Calendar

Hadda laga bilaabo Instagram sawiradaad gashato Facebook ayaa ciday doonaan ka gadan kara, Adiguna waxba ma tihid

Ma Xasuusataa markii Instagram ay ahayd shirkad ka madaxbanaan FACEBOOK?. Berisamaadkii?, Laakiin maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa $715 Million ku gadatay Facebook, intaa wixii xigay Instagram Qiyaamaheedaa soo yeerayey.

Tii ugu darnaydse maadan maqal, Ma ogtahay in Instagram ay badashay sharciyadeedii ay horay u lahayd haba ugu darnaatee waxaa ay Caddeeyeen in Sawiradaada aad gashato Instagram ay gadan karaan ayna siin karaan ciday doonaan iyagoon adiga waxba kaa warsan.

Haddaba hadaad meel ku aragto sawir aad taleefankaaga isaga qaaday ama aad Joornaal ku aragto sawir aad leedahay, ha welwelin Instagram ayaa iibsatay oo cidday doonto ka gadatay. Adiguna waxba kama dhihi kartid oo adaa ogolaaday in sidaa lagu yeelo.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Warar Kale [ Other News ], Wararka Maanta.
« »

Comment: