Hambalyo iyo Bogaadin: Qunsulka cusub ee Soomaaliya u jooga Nairobi

Posted on Dec 30 2012 - 3:59pm by Chief Editor
Tweet
Pin It
Qunsulka guud ee dowlada Soomaaliya ay dhawaan usoo magacaawday wadanka Kenya inuu u joogo ayaa soo gaaray magalada Nairobi ee wadanka Kenya.
Mudane Siyaad Maxamuud Shire ayaa waxa uu kamid ahaa wafdigii dowlada ee dhawaan yimid magalada Nairobi uu hogaaminayay madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Kenya dagan oo la kulantey Mudane Siyaad Maxamuud Shire ayaa si weyn usoo dhaweysay magacaabistiisa looga dhigey inuu Qunsuliyadda Soomaaliya ee Kenya uu masuul ka noqdo.
Qaar kamid ah hogaamiyaasha jaaliyadda oo saxafada la hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyin badan oo dhinaca jinsiyadda la xiriira ay ku haysatey wadankaan shacabka SOomaalida, ayna taasi wax wayn ka tari doonto.
 ”Qorshaheega ugu muhiimsan ee marka aan xafiiska aan fadhiisto aan sameynayo waxa waaye inaan wax ka qabto dadka Soomaalida ee dhibatada ku haysato wadankan Kenya” Ayuu yiri Siyaad Maxamuud Shire.
“Kulan balaaran ayaa wada yeelan doono jaaliyadda, waxana aan dhageysan doona waxqabadka ay u baahan yihiin” ayuu yiri isagoona raaciyey “anaga waxa aan matalnaa shacabka Soomaaliyeed waana u shaqeyn doonna marwalba”
Taariikhda Qunsulka Cusub
Siyaad Maxamuud Shire ayaa waxa uu kamid ahaa dhalinyarada siyaasiyiinta ee saameynta xooga lahaa tan iyo shirkii dib u heshiisinta Kenya lagu qabtey, waxana uu masuul sare ka ahaa xafiiskii ra’isal wasaarihii dowladii KMG Cali Maxamed Geedi. Dowladii Sh. Shariif ayuu Siyaad Maxamuud Shire waxa u kamid ahaa siyaasiyiintii sameynta xoogan ku laheed dowlada oo talooyin badan is weedarsan jireyn.
Baarlamaankii ugu horeyay ee aan KMG aheen oo Soomaaliya ay yeelatey muddo ka badan 20-sano ayuu kamid Noqday Mudane Siyaad Maxamuud isagoona kamid ahaa ka qey galey doorashadii ugu horeysay ee Soomaaliya ay yeelato tan io markii ay dowladii Siyaad Barre burburtey.
Mudane Siyaad Maxamuud Shire ayaa in muddo ah ku noolaaday Wadanka Kenya halkaas uu aqoon gaar ah u leehyahay, dadka Soomaalida ee wadankan ku nool-na ay si weyn u yaqanaan, kuwaas oofilaya inuu wax badan ka qaban doono xaaladaha adag ee dadka Soomaalida kusoo wajahayo.
___
BARTAMAHA