Calendar

Heg: Argigixisada Soomaaliya weeraro ayey Noo soo qorsheenayaan

Wasiirka  arrimaha dibadda dowladda Ingiriiks Wilam Heg ayaa waxa uu sheegay in dalal ay Soomaaliya Ka mid tahay ay yihiin Meelaha qatarada uga imaaneyso dowladda ingiriiska.

Heg ayaa Xaqiijiyay in qatar Argigixiso oo aan La dhayil san karin oo ka dhan ah dalka ingiriiska ay Ka imaan Karto Soomaaliya halkaas oo ay ka dagaalamaan Al Shabaab oo ka mid ah ururada argigixiso ee Caalamiga ah.

Wilam Heg ayaa ku baaqay in la sameeyo dadaallo dheeri ah oo looga hortagayo Al qaacidada Afrika iyo Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.

Dowladda ingiriiska ayaa intii uu socday Koobkii Ciyaaraha olombikada ee lagu qabtay dalkaasi waxa ay ka digtay in kooxa ka tirsan Al Shabaab ay weeraro ka geestaan waddankaasi.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: