Calendar

Madaxweyne Abdiweli Gaas oo soo afmeeray socdaalkiisii shaqo ee deegaanada Mudug

Madaxwaynaha dowlada puntland DR Abdiwali gaas oo socdal kumarayay qaar kamid ah deegaanada gobolka Mudug  ayaa manta si rasmi ah u kala diray gabi ahaanba maamulkii  gacanta ku hayay dagmooyinka goldogab iyo jariiban,

DR abdiwali gaas aya mar uu ku sugana degmada jariiban ayaa goob fagaare ah ka cadeyey in xukuumadiisu balan ku qaaday isbedel sidaasi awgeedna ay dagmooyinka  la jaan qaadi doonan isbedelka ka ka socda puntland,

madaxwaynaha ayaa sheegey inuu doonayo maamulo ku dhisan shacab in laga hirgaliyo deeganadaasi, asagoo ugu baaqay bulshada ku dhaqan degmooyinkaasi in ay 48 saac gudahooda ku soo doortaan gudoomiye rasmi ah oo ku yimaada rabitaanka shacabka rer puntland islamarkaana  ka hufan edeymo iyo danbiyo hore.

Ila hada lama oga  sababta kadan baysa in uu madaxwayne Abdiwali  Gaas isbadal ku sameeyo dagano ay kamid yihiin goldogob iyo jariiban, balse madaxwaynaha ayaa ku micneyey in maamulkiisa uu qaadayo wadadii hormarka iyo cadaalada puntland

Maxadwaynaha ayaa safari ku marayay qayba badan oo kamid ah puntland ayaa waxaa uu  inta badan ku indha idhaynayay maamulada ka jira dagmooyika puntland,

Madaxwaynaha ayaa waxa uu ku hoyanayay deegano katirsan gobalka mudug oo ay kamid tahay dagmada garacad iyo bali busle, jariiban halkaas uu maanta uga soo amba baxay xarunta gobolka mudug ee galkacyo.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: