Calendar

Isbaaroyin laga qaaday Muqdisho

Howl-galo lagu qaadayo isbaarooyinka yaala magalada Muqdisho ayaa saakay bilowday iyadoona ay ka qeyb galayaan ciidamo kala duwan oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow “Axmed Daaci” oo saxafada la hadlaly ayaa sheegay in la qaaday isbaarooyinkii yaalay degmadaas kuwaas oo lagu qaadi jirey lacago sharci daro ah.

Degmada Wadajir ayaa kamid aheed meelaha ay yaalen isbaarooyinka ugu badan waxana ay gaarayeen ilaa 4-isbaaro, waxana ay hoostagayeen saraakiil ciidamada degmada ka tirsan iyo maamulka.

Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa ku sameynayay degmooyinka Muqdisho si ay u xaqiijiyaan inla qaaday yisbaarooyinka oo mararka qaarnna lagu dhibaateeyo rakaabka saaran gawaarida dadweynaha.

Askari ka tirsan ciidamada dowlada oo joogay isbaaro sharci daro ah oo taalay tarbuunka ayaa rasaas ku furey gaari dadweynaha markii ay isku afgaran waayeen darawalkii waday gaariga lacagta la bixinayo.

Inta la ogyahay qof haweyne ayaa ku dhimatey halka ay jiraan tiro dhaawacyo ah kuwaas oo la geeyay isbitaalka Madiina oo lagu daawaynayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku amrey saraakiisha ciidamada iyo maamuladda degmooyinka in la qaado isbaarooyinka yaalo magalada Muqdisho kuwaas oo sheegay in dadka dhibaato ay ku hayaan.

AMISOM ayaa sheegtey iyadane in isbaaroyinka yaala goobaha ay gacanta ku hayaan dowlada iyo AMISOM ay dhibaato amaan daro ay hayaan, loonaa baahan yahay in la qaado.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: