read more »">
Calendar

Isbadalo lagu sameyay xukuumadda

Ra’isal wasaaraha dowlada Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon “Saacid” oo war saxafadeed soo saarey ayuu ku shaaciyey isbadalo ku dhacay wasaaradaha.

Wasaaradaha isbadalka uu saameyay waxa kamid ah, arimaha dibadda iyo tan warfaafinta oo wasarado kale oo dheeri ah lagu soo kordhiyey.

Sidoo kale, arimaha dalxiiska oo aan si weyn u shaqeyn waxa masuul kasii ahaan doono xafiiska ra’isal wasaaraha.
Isbadaladda ayaa waxa ay u dhaceen sida tan,

Mudane Saacid ayaa sheegay in Wasaarada arrimaha dibadda maanta laga bilaabo ay tahay ‘’Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga’’

Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta ayaa loogu yeerayaa ‘’Wasaaradda Warafaafinta Isgaarsiinta iyo Gaadiidka’’

Wasaaradda howlaha guud oo ka mid ah wasaaradaha isbedelka lagu sameeyay ayaa loogu yeerayaa ‘’Wasaaradda Howlaha guud Dekedaha iyo Gaadiidka Badda’’

Howlihii Dalxiiska iyo Duurjoogta ayuu R/wasaaruhu sheegay in si KMG ah u hoostagayaan xafiiska R/wasaaraha.

Golaha wasiirada, Wasiir ku xigeennada iyo wasiirudowlayaasha waa sidoodii oo waxba lagama badalin.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured.
« »

Comment: