Calendar

Isku dhacyo ka socda agagaarka madaxtooyadda Masar [ SAWIRO + MUUQAAL ]

Taarayaasha madaxweynaha Masar Maxamed Morsi iyo banaanbaxyada mucaaradka ayaa iskugu dhacay agagaarka madaxtooyadda, iyadoona ay jiraan dhaawacyo.

Koox tiro yar oo dhaqdhaqaaq yaal mucaaradka ka mid ah ayaa ka sameystey meel deegaanah banaanka madaxtooyadda iyadoona kumanaan oo kazoo horjeeda awoodihii dheeraadka ee u isa siiyay madaxweyne Morsi ay sameynayaan banaabaxyo.

Warar aan la xaqiijin oo saxafada gudaha Masar ay daynayaan oo ku saabsan iney jiraan Labo qofood oo ku geeriyooday iskudhacyada labada dhinac.

Labada dhinac ayaa is eedeynaya iyadoona hogaamiyaasha mucaaradka ay ku eedeynayaan madaxweyne Morsi inuu ka masuul yahay dhiiga daadanaya, halka dhinaca kalane hogaamiyaal sarsare oo Akhwaan Muslimiin ay ku eedeynayaan mucaaradka iney abuurayaan isku dhacyo.

Maxamed Morsi ayaa ka tagay madaxtooyada markii banaanbaxyada ay soo abaareen balse kusoo laabtey shaqada saakay, sida uu sheegay afhayeenkiisa.

Isku dhacyada oo iminka socda muddo Labo todobaad ayaa keenay kala tag siyaasadeed wadanka Masar, markii Morsi uu isku kordhiyay awoodo dheeraad ah, taas oo kooxaha cadaaladda ka shaqeya ay kazoo horjesteen.

Warbaahinta qaranka Masar ayaa kusoo waramaysa iney jiraan isku dhacyo ka dhacay magalada Suez oo u dhexeya mucaaradka iyo taagerayaasha Morsi.

Saddex kamid ahaa la taliyaasha madaxweyne Morsi ayaa is casiley, waxa kamid ah Saif Abdel Fattah oo kamid ah la taliyashii madaxweynaha ee siyaasadda, isagoona u sheegay television-ka Al Jazeera iney is casiladisa ay salka kuhayso dhaqan siyaasadeedka Masar.

Dadka kale ee is casiley waxa kamid ah Samir Morcos oo kazoo jeeda dadka Masiixiyiinta Coptic-ka laga tiro badan yahay.

Dastuurka cusub ee wadanka yeelanayo ayaa la filayaa in cod loo qaado December, 15-keeda markii ay guddigii qorayay oo ay u badnaayen kooxaha islaamiyiinta ay usoo gudbiyeen madaxweynaha todobaadkii hore.

Dadka kazoo horjeeda qoraalka dastuurka ee la filayo in loo codeeyo ayaa ku eedeynayo inuusan ilaalineyn xuquuqda haweyn-ka iyo dadka laga tiro badan yahay, awood badane uu siinayo ciidamada military-ga Masar.

Madaxweyne Xigeenka Masar Maxamuud Makki oo shir jaraa’id ku qabtey gudaha madaxtooyada ayaa ku baaqay in xasiloonida lasoo celiyo oo xaaladda la dajiyo. “Siyaasadda rasmiga ah waa in xaaladda laga gudbo oo la dhageysto waxa ay dadka doonayaan” ayuuna dhahay.

Madaxweyne Xigeenka ayaa kazoo horjestey in dib u dhig lagu sameeyo cod u qaadista dastuurka, taas oo aheed waxyaabaha ugu waawayn ee dalbanayaan mucaaradka

Hogaamiyaal sarsare oo mucaaradka ka mid ah oo ku jiraan Maxamed AlBaradici, Hamdeen Sabbahi iyo Amar Mussa ayaa shir jara’id ku qabtey magalada Qaahiro oo ku diidayn codsiga Makki. AlBaradici ayaa sheegay in mucaaradka ay wada hadal ogolaanan marka madaxweynaha uu ka tago awoodaha uu isa siiyay.

Television laga leehyahay Masar ayaa kusoo waramay in kooxda Aqwaan Muslimiin ay qorheenayaan isku soo bax “Hal Milyan” oo qofood maalinta Jimcaha ee soo socoto, balse ma aysen sheegin meesha ay ku qaban doonaan.

DAAWO MUUQAALKA

 

SAWIRADDA ISKU DHACYADDA MASAR

[slidepress gallery='sawiradda-isku-dhacyadda-masar']

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Photos, VIDEOS, Warar Kale [ Other News ], Wararka Maanta.
« »

Comment: