Calendar

Isku shaandheyntan Cusub Maxay U Bilow Tahay? (Warbixin)

ISKU SHAANDHEYN

Muqdisho (BARTAMAHA) Waxaa dib marke u billowday dagaalkii siyaasaded ee u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Cabdiweli waxaana la sheegay inay ku kala kaceen kulan ay xalay qaaten.

Ra’iisul wasaarihii hore, Cabdi Faarax Shirdoon (Saaacid) ayaa xilkiisa ku waayay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo madaxweynaha, kaasoo salka ku hayay isku shaandheyn lagu sameeyo golaha wasiirrada xukuumadda Somalia, taasoo u muuqatay in madaxweynuhu uu ku waayayo xubnaha aadka ugu dhow.

Balse arrinta sidii hore waa ay ka duwanaan doonta,sida ay qabaan dadka odorasa siyaasada oo xilligan khilaf labada mas’uul soo kala dhexgala si sahlan kuma dhici doonto inuu xilka waayo ra’iisul wasaaraha hadda shaqeeya Cabdiweli Sheekh oo loo arko inuu yahay nin ad adag oo waxbadan kaga duwan ra’iisul wasaarihii hore.

Haddii an ku soo laabano billowga isfahan waaga madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa,Cabdiweli Sheekh ayaa kulan ay xalay ku yeesheen Muqdisho isku fahmi waayay isku shaandheynta lagu sameeyay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, taasoo uu si rasmi ah saakay ugu dhawaaqay ra’iiul wasaaraha Soomaaliya.

Kulanka labada mas’uuliyin ayaa muddo qaatay inuu socda,balse ugu dambeyn waxaa la sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ku kala tageen kulankooda, kaddib markii Cabdiweli Sheekh uu ku adkeystay inuu isku shaandheynayo golaha wasiirrada, taasoo uu si adag u diiday madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa sheegay go’aankiisa inusan ka laaban doonin,waxaana isku shaandheyntan oo deg deg aheyd durba ra’iisul wasaaruhu xalay goostay inuu sameeyo, markii ay is afgaran waayeen isaga iyo madaxweynaha, maadaama madaxweynuhu markii hore diidanaa inay dhacdo isku shaandheyn ka hor shirka Copenhagen ee dalka Denmark ka dhici doona dhowaan.

Xasan Sheekh ayaa doonayay in mar haddii isku shaandheyn ay dhaceyso inay noqoto marka hore mid guud ah oo wasaaraddo badan ay saameyso, wajiyo cusubna ay yimaadaan, balse ra’iisul wasaaruhu arrin kale ayaa u muuqatay.

Kala fikir duwanaashaha u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowr jeer soo laalaabtay, iyadoo madaxweynuhu uu ka sheegay qalabka warbaahinta bishii hore inay jirto kala fikir duwanaan u dhexeysa iyo ra’iisul waasarihiisa.

Faarax Sheekh C/qaadir oo ah wasiir aad ugu dhow madaxweynaha ayaa loo dhiibay saakay wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirka daaqa, iyadoo sidoo kale wasiirkii xilkaas hayay loo wareejiyay wasaaradda cadaaladda oo ahayd mid uu horay u hayay Faarax Sh. C/qaadir. Taasoo ah midda ugu weyn ee ay isku qabteen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa.

Xilka laga wareejiyay Faarax Sh. C/qaadir waxaa ay muujinaysa siyaasada ra’iisul wasaare,Cabdiweli maadaama uu meesha ka saaray mid ka mid ah wasiiradiisa awooda badnaa, kaasoo la geeyay wasaarad uusan ku qanacsanayn, laakiin ujeedada saas loo yeelay ay tahay fariin siyaasadeed oo madaxweynaha ku socota.

Siyaasiyiin Soomaali ah ayaa muujiyay in tallaabada ra’iisul wasaarah ay banaanka soo dhigayso billowga dagaal siyaasaded oo dhex mari doona isaga iyo madaxweynaha,balse mar horaba waxaa la sheegay inuu guuleystay Cabdiweli Sheekh oo xukuumaddisa ka sifeeyay saaxibada Xasan Sheekh.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli iyo golahiisa wasiirrada ayaa xilkii ka qaaday shir ay yeeshen madaxii hore ee Sirdoonka Soomaaliya,C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) waxay ahayd tijaabo siyaasadeed ee lagu wiiqayay awooda madaxweyne Xasan Sheekh, waayo Sanbaloolshe waxaa uu ahaa mudadii gaabanayd ee xilka haayay awooda labaad ee madaxweynaha haysta marka laga soo tago Faarax Sh. C/qaadir.

Arrinta muuqata hadda waxaa ay tahay in awoodii madaxweynaha uu ku dhex lahaa golaha wasiirrada ay meesha ka baxday, waxayna arrintu aheyd mid tan iyo bishii May soo socotay, kaddib is casilaadii culeyska ka dambeysay ee wasiirkii amniga Soomaaliya,C/kariin Xuseen Guuleed.

Si kastaba ha ahaatee, isbedelkan ayaa u muuqda mid aanu madaxweynuhu ku qanac-sanayn, iyadoo aan la ogeyn go’aanka kasoo bixi doona, mar haddii ra’iisul wasaaruhu uu ku dhaqaaqay fikirkii ay isku qabteen madaxweynaha.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: