Calendar

John Terry Oo Doonayo In Uu Katago Kooxd Chelsea:

John Terry ayaa  ku dooday in xiligaan uusan ka fikireyn arinta ku aadan in uu kordhiyo hishiiskiisa uu ugu joogo kooxda kaas oo dhamaanaya sanad ka dib , waxa uuna tilmaamay in haatan uu xoogga saarayo sidii kooxdiisa uga caawin lahaa in Champions League yimaadaan .

Kabtankii hore ee qaranka Ingiriiska John Terry ayaa hoos uga dhacay liiska line-up-ka ee tababare Rafael tan iyo markii uu soo gaaray dhaawcii cuslaa ee jilibka ee ka fogeeyay garoomada Novembert-tii hore iyadoo haatan uu shaki badan hareeyay mustaqbalkiisa ee Stamford Bridge .

Terry ayaa shabakada Sky Sports News ka yiri ” dhaawac culus ayaa horay ii soo gaaray taasina waxa ay in yar iga fogeeysay garoomada , waxaan xoogga saarayaa in aan si fudud ugu soo laabto heer ciyaareedkeyga , xiligaan iguma haboona xilli ciyaartooy kale ay si wacan u ciyaarayaan”.

 

” Waxaa muhiim ah in dadka ogaadaan in hishiiskeyga uu ka harsan yahay sanad , hishiis cusub kama fikarayo xiligaan , marka xilli ciyaareedka dhamaado markaas waa suura gal in wadahadal ka bilaawno arintaas , hishiis cusub aan saxiixo ama yaan saxiixin waxaan dadaalkeyga isugu geynayaa caawinta Chelsea” ayuu sii raaciyay.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment:

cccc