Calendar

Jose Mourinho: Mar Walba Malahan Guuldarrada Kooxda Tababaraha

Jose Mourinho ayaa ka hadlay sida uusan u la dhacsaneyn qaab ciyaareedka Real Madrid kulankii xalay ay guuldarada 2-1 ka soo gaartay Cetta Vigo, laakiin waxa uu diiday inuu qaato mas’uuliyada guuldaradaas.

Kooxda Santiago Bernabeu ka dhisan ayaa 2-0 lagu hogaamiyay ka dib goolal ay kala dhaliyeen Mario Bermejo iyo Cristian Bustos ka hor inta uusan Cristiano Ronaldo gool u soo celin dhamaadkii ciyaarta, waxaana Mourinho uu ka niyad xumaa sida ay kooxdiisa u ciyaartay.

“Dadka iyaga ayaa iska leh fekradahooda, xaq ayayna u leeyihiin inay dhaleeceeyaan tababaraha. Laakiin mar walba tababaraha ma ahan mid dusha saaranaya mas’uuliyada…. waan qaadanayaa mas’uuliyadeda waana intaas.” ayuu Mourinho ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib.

 

“Qaar ka mid ah ciyaartoyda waa ay i niyad xumeeyeen, laakiin igama fileysaan inaan ka hadlo sida uu ahaa qaab ciyaareedka hal ciyaaryahan.

“[Raphael] Varane waxa uu ahaa horyaal sax ah. Waa uu dhaawacmay dhamaadkii, laakiin waxa uu qabtay shaqo ka badan qaar ka mid ah ciyaartoydii taamka ahaa.”

Real Madrid ayaa raadineysa inay ku soo laabato wadada guusha marka ay axada martigeliyaan kooxda Espanyol horyaalka La Liga.

  • By : Staff   Muqdisho,  www.Bartamaha.com

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ].
« »

Comment: