Calendar

Kacdoonka Dhalinyarada Qabyaaladda kasoo horjeeda (ATM) oo taageero wayn siiyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa

WARSAXAFADEED

Asalamu Aleikum

Dhallinyarada Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda (Anti Tribalism Movement) oo ah dhallinyaro Soomaaliyeed waxa ay mar weliba hormuud ka yihiin dadaalka loogu jiro sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka soo jireenka ah (QABYAALADDA) ee u dhaxeeya dadka Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda ay taageersan yihiin dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uuna yahay madaxweyne Soomaaliyeed. Waxaan taageersanahay isbadalka saxda ah iyo taageerada caalamku siiyay dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

Waxaan aaminsanahay in taageerada caalamku siiyay dowladda Soomaaliyeed ay tahay fursad qaali ah oo soo martay dalkeena hooyo ee Soomaaliya sidaa daraadeed waa inaan taageernaa dowladeena oo aan joojinaa is qab-qabsiga dhexdeena ah iyo reerkeyga kama dhex muuqdo dowladda.

Haddii aynaan taageerin dowladda Soomaaliya waxa aan mustaqbalka dhaw halis ugu jiri doonaa in qariidadda caalamka laga waayo Soomaaliya. Anaga oo ah dhallinyaro Soomaaliyeed aaminsana, in dalkeena Soomaaliya uu yahay dal u baahan dib u dhis balaaran, waxa aan madaxweynaha iyo dowladiisa ku taageersanahay siyaasadda ah in dib loo so celiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale oo ay ugu horeeyaan wadamada maal-gashan doona dalkeena.

Waxa aan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uga mahad celineynaa kulankii uu la kulmay xubno ka tirsan dhallinyarada Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda ee uu kula kulmay magaaladda London. Waxaan kaloo madaxweynaha uga mahad celinaynaa sida wanaagsan ee uu nooga aqbalay inuu qaato funaanadaha Kacdoonka oo ay ku qornaayeen. Qabyaaladda Maya… Qoriga Maya… Qalinka Haa… Qaranimo Haa.

Dhanka kale dhallinyarada Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda (Anti – Tribalism Movement) waxa ay codsi u dirayaan bahweynta saxaafadda Soomaaliyeed qaasatan qaar ka mid ah WEBSITE-yada Soomaalida oo qoray in dhallinyarada Kacdoonka Ka Soo Horjeedka Qabyaaladda ay ka soo horjeedaan madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan oggeysiinaynaa caalamka in qoraaladaas ay yihiin qoraalo aan ku saleysneyn xaqiiqada dhabta ah iyo fikirka Kacdoonka.

Ugu danbeyntii waxaan mar kale ku adkeyneynaa inaan taageersanahay dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaheyna Xasan Shiikh Maxamuud. Waxaan la garab taaganahay taageero buuxda waana kaga mahad celineynaa sida wanaagsan ee uu madaxweynuhu u soo dhaweeyay fikirka Kacdoonka ee ah in lala dagaalamo QABYAALADDA.

Anti-Tribalism Movement
Management Team

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: