Calendar

madaxwaynaha suuriya Bishar Al Asad oo ku dhawaaqay doorasho iyo wadama kaso horjeestey doorashadaasi

Dowlada maraykanka ayaa sheegtey in doorashada ka dhici doonta dalka suuriya 3 da bisha june ee sanadkan inay tahay mid ana saxnayn oo qiyaano ah,

Xukuumada maraykanka ayaa ku tilmaamay doorasho uu dhawaan ku dhawaaqay madaxwaynaha suuriya ee bisher al asad mid jees jees ah

Dhinaca kale Xoghayaha Qaramada Midoobay M Banki Moon ayaa asna sheegay in hadalka kasoo yeerey BISHAR AL ASAD, uu yahay mid bur burnayo dadaaladii beesha calamka ay igu jirtey  nabadaynta dalka suuriya,

Doorashadan ayaa lagu sheegey inay tahay mid uu isku qabanayo madaxwaynaha suuriya si marmarsiiyo oga dhigto oo ay oga yaraato culaabta ay ku hayaan beesha caalamka

Dhinaca kale sharci ay diyaarisay xukuumada asad ayaa lasheegey in lagu qorey qofkii doonayo inuu u tartamo madaxwaynaha dalka suuriya laga rabo inuu yahay qof 10 kii sano ee lasoo dhaafey ku noolaa gudaha dalkaasi

Sharciga loo samayay doorashadan oo xoogaga mucaaradka Suuriya ay ku sheegeen in iyaga si gaar ah loola jeedo maadaama ay cadeeyeen in dalka ay kamaqnayenm sadexdii sano ee lasoo dhaafey intooda badan,

Masuul ka tirsan mucaardka suuriya oo lagu magacaabo, Axmed Alqasiir, ayaa cadeyey in ay wax dooranayaan oo kaliye taageerayaasha kaligi taliyeha haysta suuriya ee Asad.

Isaga oo intaasi raaciyey ” haddii anan tagi karin qaybta ay maamusho dowlada basher al asad sidee ayaa u codaynay naa,

Mudane kale oo ka tirsan baarlamaanka wadaka Suuriya ayaa sheegay in meelaha mucaaradku haystaan aan doorasho ka dhici doonin in kasta oo xukuumadda Asad ayna si rasmi ah warkaasi u shaacin.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: