Calendar

Kalsoonidaada la noqo ama hakuu hayo Amiin Caamir

amin arts

Awoodda Dowladda

Dhib ayaa haysta Amiin Caamir, Todobaad walba dadbaa u xanaaqsan laakiin markaad usii fiirsato waa kuwa uu wax ka sheegayo. Todobaad walbana dadka qaar baa kalsoonida kala noqda. Waxaa hubaal ah Amiin Caamir qofkii bishaan jecel sawiradiisa bisha dambe ogsoonoow kalsoonidooda ayay kala noqon doonaan.

Amiin ayaa maanta sawirkiisa ku cabiraya AWOODDA DOWLADDA iyo sida uu hoggaanku yahay, Waxaana inoo jilaya sawirkan Madaxweynaha, Raiisal Wasaaraha, Afhayeenka Baarlamaanka oo Sigaar farabadan cabaya, Wasiirka Amniga Cabdikariin iyo Wasiirka Dastuurka Faarax Shiikh Cabduqaadir. Sharraxaadda sawirkanna idinkaan idiin daynaynaa.

Ciddii doonta  kalsoonida hakala noqoto farshaxanyahankan laakiin Amiin waa codka Soomaalida aan codka lahayn wuxuuna had iyo goor taabtaa halka ay wax ka khaldan yihiin isagoo aan cidna kala reebayn.

 

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos.
« »

Comment: