Calendar

Kaynaan oo Bill Klinton la kulmay iyo waxa ka jira B/Xuubeey

Maanta markaan arkay bogaga caalamka inay ka hadlayaan fanaankeena Soomaaliyeed ee Kaynaan inuu la kulmay madaxweynihii hore ee Maraykanka BILL CLINTON aad ayaan ugu farxay. Magaalada XAmar dhallinyarada ku noolna aad ayay ula dhacsan yihiin walaalkeen waxyaalaha uu u samaynayo dadkisa Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay lasoo daristay.

Anigu nasiib uma yeelan inaan Knaan arko markuu yimid maalin dhoweyd Xamar inkastoo aan aad u danaynayay, laakiin waxaa iigaga sheekeeyay saaxiibaday oo la kulmay.

Reer Buulo Xuubeey aad ayay u taageersan yihii Kaynaan.

Dhinaca kale Buulo Xuubeey waa lagu nabad qabaa, wax dhib ahna ma jiraan. Haddii aad danaynayso inaad noo timaado saaxiibayaal gacmo furan ayaan idinku soo dhoweynaynaa.

Nabadgelyo.

Comments

comments

Category : Soomaalo Blogs.
« »

Comment: