Calendar

Khilaafka Madaxda dalka oo saameyn kuyeeshay doorashooyinkii gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay doorashooyinka Maamulka Gobalka Hiiraan ay saameyn ku yeesheen khilaafka xoogan ee soo kala dhex-galay Madaxweynaha Dowladda Fidraalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Cabdi Faarax Laqanyo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, ayaa Magaalada Beladweyne wuxuu ka sheegay in khilaafka ka dhextaagan madaxda dalka uu xoogaa saameeyay doorashooyinka Maamulka.

Wuxuu sheegay in doorashada ay dhaceyso balse uusan cayimeyn waqti gaar ah oo ay dhaceyso, maadaama aan la ogeyn khilaafka madaxda dowladda goorta uu xalismayo.

Doorashooyinka Gobalka Hiiraan ayaa si aad ah loogu diyaargaroobay Gobalkaasi, maadaama waqtiga Maamulka hada jira uu dhamaaday, loona baahan yahay maamul cusub oo doorasho ku yimaada.

Sikastaba Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa shacabka reer Beladweyne ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa ammaanka Gobalkaasi, loogana hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab ay kageystaan Beladweyne.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now, Wararka Maanta.
« »

Comment: