Calendar

Kooxda Qeylo dhaan ayaa soo saartey hees cusub oo la yiraahdo ‘’Xildhibaan-nimooy xaal qaado’’.

Kooxda fanaaniinta wadaniga ee Qeylo dhaan ayaa soo saartey hees cusub oo ay ku cabirayaan aragtida ay ka qabaan xildhibanada dalka Soomaaliya  ka jira maanta iyo nooca ay yihiin, islamarkaana waxay tilmaamayaan inay doonayaan Baarlamaan xor ah oo xiiso loo qabo mustaqbalka.

qaylo dhaan

Heesta waxaa qaadaya fanaaniInta kale ah, Jooqle Shire Jaamac (Ciyaar jecel), Yusuf Jeego , Xuseen Shire Jaamac (Ciyaar jecel)iyo Shamso Maxamed Foot, mirihii Kooxda Qeylo dhaan, laxankii Jooqle Shire iyo musikadii Cujeer.

Heestaan oo dhinacyo badan taabanaysa ayaa ku soo beegantey  xili  maalinta bari  ah loo balansan yahay in markale xildhibaanada  dood kulul ka yeeshaan qaabka codka kalsoonida Raisal wasaaraha  cusub ee Soomaaliya loo siin doono, taasoo buuq iyo muran soo kale dhex galisey mudanayaasha Baarlamaanka todobaadkii hore kadib marki ay isku qabteen qaabka codka loo qaadayo.

Run ahaantii waxaa nasiib xumo weyn ah kuwa darajada u qaatey inay dadka iyo dalka badbaadiyaan inay maanta ku mashquulsan yihiin iyagoo ka talin wax ka badan 2KM, islamarkaana Amison ku ilaalinayso xeendaabkaas, khilaafkaas oo ah waxyaabo ka baxsan sharciga dalka u degsan, balse u badan  daneysi, nin jeclaysi, u adeegida shisheeyaha dariska,islamarkaana garan waayay inay wixii kale fikir ah  inay ku xaliyaan nidaamka u degsan Baarlamaanka oo sheegaya meeshii codka  u bato in la isku raaco.

Waxaa nasiib xumo in maalin kasto nin ajanabi ah uu u kale dabqaado heshiisiintooda madaxda sare ee Dowlada ,iyagoo jooga dalkooda islamarkaana ku wada hadli kara afsoomaali.

Madaxda Soomaalida maanta horboodaysa umaddeena badankood  uma bislo  inay noqdaan hogaamiye samatabixin kara umadda Soomaaliyeed ee u baahan in la badbaadiyo,  sida muuqato ninkii madax noqda wuxuu moodaa inuu wadanka iyo sharciga u degsan dalka ka sareeyo, islamarkaana hadii uu tiisa ka arkeynina oranaya maya iyo ma soconayso, taasoo ugu wacan dowlad la’aanta iyo burburka qarankii Soomaaliyeed ka reebay wadamadii la midka ahaa.

Heestan cusub ayay  fanaaniinta  kooxda Qeylo dhaan bulshada Soomaaliyeed  ugu sheegayaan baarlamaanka ay doonayaan iyo farqiga u dhaxeeyo xildhibaanka maanta.

 Halkaan iyadoo qoraal ah iyo cod ba leh ee dhagaysi wanaagsan.

halkan guji si aad u dhageysato heesta.   http://www.youtube.com/watch?v=WMgk0gfeO8c 

Heesta Xidhibaan-nimooy xaal qaado :

XUSHMAD BAA LAGAA DOONAYAA
HADAAD XILDHIBAAN TAHAYE
XEERKOOD ILAALISAA HABOON
IYO XUMAHA OOD DIIDID
QAAR AAN XILKABA QAADI KARIN
YAA/BAA  LA SOO XULAYE
XEEBAHA KUWII IIBSADOO
WALIBA XUURTEYSAN
AYAA XIL U DAGAALAMAHAYOO
XEERNA UU QABANE
DADKA KUWII XASUUQAA KU JIRA
OO XUMAHA DHIGAYE
XABBADOO DHACEYSEY RABAAN
XOOLA BOOLIYAHE
AMISOM BEY XEYNDAAB UGU JIRAAN
XERO YAROO OODAN
XABBADUHU WAXEY DILAAN MAALINTII
MAATA XOOG DARANE
XINJIRAHA SHACABKEY DAADIYAAN
KUNA XASHAASHAANE
XAAFAD QUREY KU WADA NOOL YIHIIN
XAMARTII WEYNEEDE
XAFAFKA NABARADA QARSOON
 XANAFTA NOO LAABAN
XAALUFKA AYAGAA NOOGU WACAN
XIISADAHA TAAGAN
XAQUUQUL AADAMKEY JABSHAAN
XEER MA DHOWRAANE
XURMO MALAHA RUUXII DADYAHOW
XAARAAN KU NAAXAAYE
ILAA AY LAALUUSH XAABSADAAN
XUKUN MA GOOYAANE
XARBIGU INUU SII SOCDEY
DOONAYAAN TAN IYO XIIXAAYE
XAQIIR BEY NAGA DHIGEEN/DHIGAHAYAAN
ANNAGOO DAWLAD XOOG BADANA

 H O O R I  S:

 BAARLAMAAN XORAAN DOONEYNAA
XIISO LOO QABAAN DOONEYNAA
XAQ IN AAD DADWEYNOW LEEDIHIIN
XUKUNKU HA OGAADO
XAAFADAHA  KA SOO WADA BAXOO
SHEEGTA XUBINTIINA
XAMAASADO KACSHOO XIISAD OLOLEEYA
ILAA AAD XAQIINII HESHAAN
YAAN LA XAGAL DAACIN

W/D:Yusuf  Yusuf

London

Comments

comments

Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: