Calendar

Kooxda Qeylo dhaan ayaa soo saartey hees cusub oo la yiraahdo (SOOMAALIYA WAA IIB)

qaylo dhan

Kooxda Qeylodhaan oo ku caana inay markasto wax ka tiraahdo marxaalada dalka Soomaaliya uu marayo islamarkaana ku cabirta dareenka shacabka heeso lagu muujinayo ayaa soo saartey mar kale hees cusub oo magaceeda oo la yiraahdo ‘’SOOMAALIYA WAA IIB’’.

Dad badan oo Soomaaliya ayaa rumaysan in dalka Soomaaliya dhibaatada haysata mudada dheer inay ka dhigan tahey dal iib ah, islamarkaana lagu iibinayo dad muuqa iyo magaca ka ah Soomaali oo hadane sheegana inay yihiin madaxdii ugu sareysay dalka Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed waxaan rumaysan nahey inay yihiin dad walaalo ah islamarkaana aan sina u kale maarmin balse waxaa cad in shisheeye aan doonaynin in nabad iyo dowladnimo ka dhalato gayigeena inay mar walbo u maleegaan shirqoole lagu kale sii foogaynaya xalka Soomaaliya mar alle markii ay soo bidhaanto nabad iyo in la helo dowlad, hasayeeshee waxaa muhiim in Soomaalidu ay danteeda gartaan islamarkaana ka faaideystaan casharadii hore iyo khalalaadkii hore ayna ku badalaan isbadal dhab ah.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay kacaan islamarkaana ay qasab ku soo celiyaan nabadda iyo kale dambeynta, cid kasto shisheeye ku adeeganaya ay dhahaan na dhaaf ku dooni mayno, waayo IGAD & ICG iyo nin madaxtinimo raadinaayo iyo lacag oo Soomaali dhibaatadeeda ka shaqaynaya waxay nala tahey in laga hor yimaado lana xusuusiyo in Soomaaliya inay Soomaali leedahay, xalkeedana ay iyaga leedahay.

Kooxda Qeylo dhaan waxay marar badan heesaheeda kula hadashey shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka mid ahaa heesihii hore qaybo ka mid ah:

1. HEESTII XILDHINAANIMOOY XAAL:

BAARLAMAAN XORAAN DOONEYNAA

XIISO LOO QABAAN DOONEYNAA

XAQ IN AAD DADWEYNOW LEEDIHIIN

XUKUNKU HA OGAADO

XAAFADAHA KA SOO WADA BAXOO

SHEEGTA XUBINTIINA

XAMAASADO KACSHOO XIISAD OLOLEEYA

ILAA AAD XAQIINII HESHAAN

YAAN LA XAGAL DAACIN

2. 550 XILDHIBAN BEESO LOO HELI MAAYO:

SHICIBKOOW SOO BAXA TOOSA
BOOWDYAHA MIYAAD JABANTIIN?
BUUL MIYAAD KU JIRTAAN?
BOORAR QAATA LAYAAB LEH
BAABKEY TUUNIS SAMEYSAY
BINI CALI AY KU ERYEEN
MASAR AY BIQI WEYDOO
XUSNI LOOGU BAREERAY
KA BILAABA HALKAASOO
HA KA BEYRINE YEELA
MAAFIYAYAHAY ISKU BIIRTAY
BOOLEYSI DHAMAAYAY
BAXA OO AAYAR NA DHAAFA
BERITAA NAGU DHEERE
SHACBKOOW BUUNKA AFUUFA
BIGILKIYO SEERIGA YEERSHAA

Heesta SOOMAALIYA WAA IIB miraheeda waxaa u qoran yihiin sidatan waxayna soo baxaysaa dhawaan hadii Allah idmo

MEEL LAGU DAGAALOO

DIRIC DHIIGII DAADSHOO

OO DALKA CIIDANKIISII

DOOXEEN CADAAWAHA

DURBA GUULO BADAN IYO

DEGMOOYIN AY XOREEYEEN

DOQON CADOWGU SOO DUMAY

DURBAAN UU U GARAACA

DABADEED YIRAAHDAA

DADWEYNUHU HA SOO BAXA

DOOLARBAAN SAIDAAYEE

DORASHAAN GALEYNAA

DANEYSTAA I SOO DIRAY

ANNIGAA DALAALOO

DALKAA NOO GADAAYAA

DANYARTIYO CARUUTIYO

DUMARKAAN GO’AAYANA

DANI NAGAMA HEYSEE

DAKANADA KUWAAN GALAY

NOOMA DIIRNAXAAYAAN

DIBADA BAXA DADWEYNOW

DAARTEY DHEX-JIIFAAN

IYAGU AY ISKU DOORTEEN

HADANA AY KA DOODAAN

DANAHOODA GAARKAA

SHIRQOOLADADA KA DUMAYAAN

WAA IN LAGU DUNSHAAYOO

DIBADA LOOGA SAARAA

DARUURIHINA MEY CURAN

DALAGIINA MUU BIXIN

GUGAAN DOOG LA WAAYOO

DEYRTII DHAWEYDNA

DHIBIC ROOBI AY DA’IN

DUUNYADII IDLAATO

DADKII WEY LE’ANAYAAN

DAMIIR LAAWE MOOYEE

SOOMALI DAACADA

DANTA GUUD ILAASHAHA

XUKUN DOONIMAAYEE

DIFAACBUU GALAAYAA

DULINIMO HA YEELINA

SOOMAALAY DIGTOONOW

DAWLADNIMANA LAMA RABO

DALKA HORUMARKIISEE

Abwaan Cabdi Shire Jaamac ‘’Ciyaar Jecel ‘’ ayaa ii sheegay inuu aad caawa ugu faraxsan yahey in shacabka Soomaaliyeed inay ku soo baraarugeen shirqoolada loogu maleegayo dalkeena dalalka dariska nala ah, islamarkaana uu hambalyo leeyahay dadkii kacdoonka Muqdisho ka dhigay labadii maalmood ee ugu dambeysay.

Waxaan rajeynayaa kacdoonkii Muqdisho ka bilaawdey oo uu naftiisa ku waayay Hotel Madiina hortiisa wiilkii dhalinyarada ahaa Allaha u raxmadee magaciisana la yiraahdo Zakariye Cabdiraxiim Maxamed oo 18 sano jir ahaa, wuxuu astaan u yahey kacdoonka biloowday ana rajeynayo inuu la mid noqdo kii ka biloowdey dalka Tunisia oo kale, kadib markii shacabka ay ka gadoodeen dulmiga, islamarkaana waxaan ka codsanayaa Qurbajoogta Soomaaliyeed inay hiil iyo hooba ay la garab istagaan walaalahooda Soomaaliyeed dalka ka bilaabay kacdoonka, si uu guul ugu dhamaado kacdoonka biloowday insha Allah ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay mudane Cabdi Shire.

Soomaaliya Soomaali baa leh

W/Q: Yusuf Maxamed Cabdi Yusuf

[email protected]

Kooxda Qeylodhaan
London

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Maqaallo / Articles, The Story.
« »

Comment: