Calendar

Kulankii Dhexmaray Wasiirka Difaaca Kenya Iyo Ganacsatada Soomaalida Islii [SAWIRO]

Nairobi (RBC) Wasiirka difaaca wadanka Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa shalay kulan la qaatay guddi ay leeyihiin ganacsatada Soomaalida ee xaafada Islii ee magaalada Nairobi iyadoo kulankaasina looga hadlay badbaadinta hantida iyo dadka Soomaalida ee kunool Islii.

Guddiga ganacsatada oo soo qabanqaabiyey kulankan ayaa waxay wasiirka ku weydiiyeen waxa dowladdu ka ogtahay qab-qabashada lagu hayo dadka Soomaalida ah maaddaama uu goobjoog ahaa wasiirka gaashaandhigga ee dowladda Kenya.

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida e Nairobi joogta ayaa ka hadlay raafka joogtada ah ee beryahan ciidamada booliska Kenya ay ku hayaan dadka Soomaalda ah taasoo keentay in dad badan ay isaga cararaan magaalada Nairobi halka qaar kalana ay ku jiraan xabsiyada.

Sheekh Shakuul ayaa sheegay in dhac, dhibaateyn iyo xarig lagu hayo Soomaalida isla markaana ay khatar ku jirto hantida dadka Soomaalida ay leeyihiin ee taalla Islii isagoo walaac ka muujiyry in dawlada hadda ka jirta Kenya aysan u muuqan mid dareensan dhibaatada lagu hayo jinsiyada Soomaalida.

Xildhibaan Safiya Cabdi Nuur oo ka mid ahayd xubnihii Soomaalida ee kulanka ka hadlay ayaa iyaduna sheegtay inaysan jirin cid isku raacsan dhibaateynta Soomaalida balse ay jiraan dad Kenyan ah oo si gaar ah sanka ula raacaya Soomaalida. Waxayna intaa ku dartay in arrintan lagu eegi doono il gaar ah islamarkaana intii karaankooda ah ay wax ka qaban doonaan.

Wasiirka gaashaandhiga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dhibaatada ay ka cabanayaandadka Soomaalida ay tahay mid ka dhalatay lacago laaluush ah oo had iyo jeer Soomaalidu siiyaan booliska Kenya isagoo sheegay in arrintaasi ay suuq u noqotay askarta iyo saraakiisha booliska Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan saraakiil Kenyan ah oo dukaamo ka furtay lacagta laaluushka ah ee ay ka qaataan Soomaalida, kuwaasoo isagu u yaqaano.

Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa dhanka kale sheegay in dawlada aysan wax badan ka ogeyn falalka lagula kaco Soomaalida wuxuuna dadka kacodsaday inay soo sheegaan taarikada baabuurta booliska e dhibaatada geysata iyo saraakiisha wadata kuwa ay yihiin.

Inkastoo dhowr jeer ay ka dheceen Nairobi kulamo ay ku wada hadlayaan ganacsatada Soomaalida iyo masuuliyiin dawlada Kenya, haddana waxaa weli sii socda qabqabashada dadka ee ay geysanayaan ciidamada booliska iyadoo dhanka kalana maalin kasta boqoolaal Soomaali ah ay ka baxaan garoomada diyaaradaha Kenya iyagoo u kala dhoofaya Soomaaliya iyo wadamo kale oo Bariga Afrika ka mid ah.

XIGASHO:- RAXANREEB

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: