Calendar

Kumaados-ka Faransiiska oo weeraray Al Shabaab (WARBIXIN DHEER)

Ciidamada Commandoos-ka Faransiiska ayaa weerar ku ekeeyay xarun ay lahayeen kooxda Al Shabaab, gobolka Shabeladda Hoose.

Ciidamada Faransiiska ayaa xalay saqdii dhexe, weeraray xarunta Shabaab ay ku leehyihiin deegaanka Bula-mareer, halkaas oo sida la sheegay ay ku hayeen sarkaal ka tirsan sirdoonka Faransiiska oo 2009-kii la afduubtey.

Sarkaal aan magaciisa la shaacin oo ka tirsan sirdonka dowlada Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in weerarka ka dhacay deegaanka Buula-mareer ee gobolka Shabeelada hoose ay fuliyeen ciidamo u dhashey wadanka Faransiiska/

“Waxa aan la soconaa mudadii howl-galka uu socday iney jiraan dhimasho dhowr ah oo dagaal yahanada Al Shabaab” Ayuu yiri sarkaalka Soomaalida.

#”Helicomters ayaa soo daadisay ciidamo, si ay usoo badbaadiyaan ninka (Faransiiska) ee la afduubtey. Ma hayno wax cadeyn ah in asoo furtey iyo in kale”

Sarkaalka Faransiiska ee afduubka lagu haystey ayaa la yiraahdaa Denis Allex kaas oo xilligaas isaga iyo saaxiibkiisa ay dhinaca dowlada haysatey markaas ee Mogadishu ay kasoo afduubteen kooxo Islaamiyiin ah, balse saaxiibkiisa uu baxsaday bil kadib.

Dhinaca kalane, maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa ka hadlay weerarka oo sheegeyn iney fuliyeen ciidamada Faransiiska.

Gudoomiyaha gobolka Shabeeladda Hoose /qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaano Siidii oo la hadlay idaacada Kulmiye oo Muqdisho ka howl gasha waxa uu sheegay in 4-diyaaradood ay weerarka ka qeyb qaateeyn.

“Gobolka waxaa ka dhacay xalay howl gal Ciidamada NATO ay fuliyeen, meesha la yiraahdo Buulo Mareer, sideed saac habeenimo ayuu dhacay, waxaana uu soo dhamaaday sagaal saac, hal saac ayuu socday”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose.

“NATO waxay daba socotay labo nin oo mid ka mid ah Hotelada Muqdisho laga afduubtay, nasiib wanaag hal nin baa horay u baxsaday, ninkii kale ee la hayay ayaa xalay xog aan heleynay meesha lagu galay, howl galkana sidii loogu tala galay ayuu ku dhacay” ayuu raaciyey Siidii.

Balse ma jirta cid cadeyn karta in guul uu ku dhamaaday weerarka iyadoona ilaa hada wali aysen ka hadlin dowlada Faransiiska.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatey iney dhibaato u geysteen ciidamada Faransiiska ee Soo weeraray, waxana afhayeen u hadlay Al Shabaab oo wareysi siiyay wakaaladda AFP uu sheegay in dhowr kamid ah ciidmada Faransiiska ay dileen, taas oo iyana la xaqiijin karin.

Dadka deegaanka ayaa ka warbixiyey jawiga sidii uu ahaa markii ay maqleen diyaaradaha dagaalka oo magalada soo galay.

“Waxa aan maqalney qaraxyo is-xig-xigey, taas oo daba socotey xabado la is weedarsanayay muddo secands ah” Ayuu yiri Maxamed Cali oo dadka deegaanka Buula-Mareer kamid ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP.

“Ma naqaano, dhab ahaantii wixii dhacay, balse halka waxa ay ka dhaceen waa xarun ay dagan yihiin Al Shabaab iyo meel isbaaro ah” ayuu raaciyey.

Ninka Faransiiska ee Afduubka lagu haysto ayaa dhowr jeer waxa lasoo direy cajalado Muuqaal ah oo ku dalbanayay in wadankiisa u joojiyo taageradda uu siinayso dowlada Soomaalida, isagoona tii ugu danbeysay si toos ah codsi ugu dirsaday madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande inuu ka shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: