Calendar

Labo beelood oo walaalo ah ayaa maanta lagu heshiisiyay Garowe

Garowe_ Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Dowlada Hoose ee magaalada Garoowe shir lagu heshiisinayay labo beelood oo walaalo ah kuwaasi oo ku dagalamay deegaano kamid ah gobalka Nugaal.

Shirka ayaa waxaa kaqaybgalay masuuliyin ay kamid yihiin guddomiyaha gobalka Nugaal, Cabdi Xirsi Qarjab, Duqa Garowe C/casiis Nuur Cilmi, Culimo awdiin, waxgarad iyo nabadoonada labada beelood.

Labada beelood oo kala ah, Beesha Maxamed Ugaar ee Ciise Maxamuud iyo Beesha Leelkase, ayaa waxaa goobta lagusoo bandhigay qoraal cadaynaya heshiiska labada beelod, oo ay ku saxiixnayen salaadinta  labada beelod.

Guddomiyaha gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab ayaa u mahadceliyay cidkasta oo ka shaqaysay heshiisinta labada beelood ee walaalaha ah, waxaana uu cadeeyay inay muhiim tahay in lasoo afjaro colaada udhexaysay labada beelood.

Skeekh Maxamuud Yuusuf Xaaji oo kamid ah Culimada Puntland, ayaa sheegay in diinta Islaamku xaarantimaysay in dhiig qofka muslimka ah ladaadiyo, waxaana uu kula dar daarmay labada beelood inaysan dib usoo noqon colaada udhexaysa.

Labada beelood ayaa horay colaadodu uga bilaabatay Ceel biyood, waxaana dhowr jeer oo hore lagu guul daraystay in la heshiisiyo inkastoo maanta lagu guulaystay.

www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: