Calendar

Labo ka Mid ah Raggii Wada Xaajoodyada u Qaabilsanaa Burcad Badeeda Soomaalida oo Gacanta u Galay Mareykanka

burcad-badeedaaMuqdisho (RBC) Wararka ay siidaayeen warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegaya in ciidamada Marines-ka Mareykanka ay qabteen labo nin oo burcad badeeda Soomaalida u qaabilsanaa dhinaca wada xaajoodyada marka ay doonayaan inay helaan lacago madax furasho ah.

Qabashada labada nin ayaa timid kadib markii ciidamadii Mareykanka ee ku aadjoogay doonidii lamaanaha afarta ahaa ee Mareykanka ee ay afduubeen burcad badeeda, kuwaasoo lagu heystey meel u dhow xeebta degmada Garacad ee gobolka Mudug.

Labada nin ayaa xilligaasi loo kexeeyey markab ay lahaayeen ciidamada Mareykanka oo taagnaa badweynta si ay ugala soo hadlaan dhinaca lacagta madax furashada ee ay ka rabeen afartii ruux ee la dilay ee Amerikanka ahaa.

Hase yeeshee waxaa la xaqiijiyey in labada nin ay xireen ciidamada Mareykanka taasoo ahayd sababtii ku kaliftay burcad badeeda inay dilaan afartii ruux ee ahaa dalxiisayaasha Mareykanka.

Telefishanka CNN ayaa kasoo xigtay ilo wareedyo ku dhow militariga Mareykanka inay sheegeen inay gacanta ku hayaan labadaasi nin oo ahaa kuwii u qaabilsanaa burcad badeeda dhinaca wada xaajoodyada ay la galaan shirkadaha iyo wadamada marka ay dadka soo afduubaan.

Jimcihii ayaa saraakiil ka tirsan FBI-da ayaa sheegay inay hayaan labada nin isla markaana ay ku wadaan baaritaano si kiisaskooda loogu gudbiyo maxkamadaha Mareykanka.

Muuqaalo la baahiyey ayaa muujinaya nin indhaha ka xiran oo ka mid ah labada nin iyadoo ay u eg tahay in markaasi lagu dulhayo markabka Mareykanka dushiisa.

Ragga la xiray ayaa sida wararku sheegayaan waxay ahaayeen rag dhinaca tarjumaanimada iyo wada hadalada gorgortanka ah u fududeyn jiray burcad badeeda, waxayna kahor intii aysan aadin markabka lagu xiray ay kula balameen saaxiibadooda burcad badeeda inay dilaan afarta ruux haddii ay soo noqon waayan si degdeg ah.

================================

Source:  Raxanreeb.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta and tagged .
« »

Comment: