Calendar

Labo Qarax oo khasaare nafeed geystay oo Muqdisho ka dhacay

Labo qarax oo ay geysteen labo ruux oo naftooda halligay ayaa waxay goor dhaweyd ka dhaceen Baar lagu magacaabo Village oo ku yaalla meel u dhow gurigii hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Labadan ruux oo waxyaabo qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay Baarka oo ay fadhiyeen dad aad u badan oo isugu jiray wariyayaal iyo dad kale oo u soo sheeko doontay, waxaana lagu soo warramayaa in qaraxa kadiib meesha lagu arkay dad qaraxa ku dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay.

Xaaladda halka qaraxu ka dhacay ayaa aad u kacsan, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaas ay ridayaan ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay. Waxaa sidoo kale goobta soo gaaray gaadiidka gurmadka deg degta ah oo dhaawacyada ula cararay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: