Calendar

Lionel Messi oo jabiyay Rikoorkii Dhalinta goolasha Sanadkan asagoona dhiganaya Rikoor cusub.

Weeraryahanka koooxda Barcelona Lionel Messi ayaa jabiyay rikoor dhalinta goolasha isla markaasna dhigay rikoor cusub kadib markii caawa uu dhaliyay goolkiisa 86-aad ee sanadkaan 2012.

Messi oo 25 jir ah ayaa ka saro maray rikoor uu dhigay Gerd Mueller sanadkii 1972 muddo laga joogo 40 sanno ka hor kaas oo ahaa goolasha la dhaliyo halka sanno waxaana Gerd Mueller uu dhaliyay 85 gool.

Kadib labo gool Lionel Messi uu ka dhaliyay kooxda Real Betis ayuu kaga saro maray ciyaryaahnkii reer Jarmalk Meuller kaas oo mudo afartan sanno ah laga jabin waayay rikoorkaas.

Lionel Messi oo 25 jir ah ayaa rikoorka yiilay 40-ka sanno soo bar bareeyay daqiiqaddii 16-aad kadib markii uu dhaliyay gool kaas oo ahaa goolkiisa 85-aad ee sanadkaan kaas oo uu kusoo bar bareeyay rikoorkii Gerd Mueller waxaana daqiiqaddii 25-aad uu dhaliyay goolkiisa 2-aad ee ciyaarta oo noqonaayay goolkiisa 86-aad ee sanadkaan 2012 uu dhaliyo waxaana ay u noqotay rikoor cusub oo aan horey loo samayn.

Laacibka saddexdii sanno ee ugu dambeeyay noqday laacibka yurub iyo laacibka adduunka Lionel Messi ayaa shaki la galiyay inuu rikoorkaan jabin karo kadib markii kulan koobka horyaalada yurub Arbacadii ay kooxdiisa Barcelona la ciyaaraysay Benfica xidigan laga saaray garoonka kadib lugta oo dhaawac uu kasoo gaaray laakin wuxuu kusoo bilaawday ciyaarta ay Real Betis kaga horjeedeen kaas oo uu ka dhaliyay labo gool.

Goolashan gaaraya 86-da gool uu dhaliyay Lionel Messi sanadkaan ayaa isugu jira 74 gool oo uu u dhaliyay Barcelona iyo 12 gool uu u dhaliyay xulka Argentina waxaana wali u harsan labo kulan oo horyaalka Spain ah iyo hal kulan oo koobka dalka Spain saddexdaas kulan ayaa dhici karta inuu sii dheereeyo rikoorka uu dhigay.

Meuller Laacibkii hore xulka Jarmalka ayaa 72 gool u dhaliyay kooxdiisa Bayern Munich iyo 13 gool uu u dhaliyay xulka Jarmalka ayaa ka dhigtay in 85 gool uu dhaliyay sanadkii 1972 waxaana ay da’diisu Gerd Mueller markaas ay ahayd 27 sanno jir laakin Lionel Messi ayaa labo sanno ka yar da’daas.

Lionel Messi ayaa haatan la saadaalinayaa in markiisa 4-aad uu ku guulaysto laacibka yurub iyo laacibka adduunka waxaana isugu soo haray abaal marintaas ilaa saddex xidig waxaana labada kale ay kala yihiin C.Ronaldo iyo Andrea Iniesta.

“Messi wuu ku guulaysan doonaa Ballons d’Or ayuuu yiri ciyaaryahan iyo tababare horey u soo maray koooxda Barcelona Johann Cruff.

Wuxuu intaas ku daray Cruff in Lionel Messi uu ku guulaysan karo shan,lix ilaa todobo haddii uu sii joogo Barcelona.

Hadaba 86 gool uu dhaliyay Messi sanadkaan Waxayna uu daliyay Bilkasta laga soo billaabo Bisha 1aad ayu dhaceysaa sidatan:

January 7 (Todobo gool ayuu dhaliyay)

 

February 10 (Toban gool ayuu dhaliyay)

March 13(Toban iyo sedex goolayuu dhaliyay)

April 9(Sagaal gool ayuu dhaliyay)

May 8(Sideed gool ayuu dhaliyay)

June 4(Afar gool ayuu dhaliay)

July 0(Wax muusan dhalin)

August 7(Todobo gool ayuu dhaliay)

September 5(shan gool ayuu dhaliay)

October 10(Toban gool ayuu dhaliay)

November 9(Sagaal gool ayuu dhaliay)

December 4.(Afar gool ayuu dhaliyay)

Ayadoo marka la isku darana ay yihiin 86gool

By: C.llahi dayax

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ].
« »

Comment: