read more »">
Calendar

Maalinta Saxaafada Soomaaliya oo laga xusay Magaalada Nairobi (Daawo Sawirada)

s.6Bartamaha (Nairobi):- Munaasabad balaaran oo lagu xusayay maalinta saxaafada Xurta ah Ee Soomaaliya ayaa ka dhacday Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.

Wariyayaasha dibad jooga ka ah dalka ayaa shalay Munaasabad ay si weyn ugu xusayeen Maalinta saxaafada waxa ay ku qabteen gudaha Magaalada Nairobi gaar ahaan Hotel ku yaala xaafada Soomaalida dagan tahay Ee Caasimada Kenya.

Wariyayaasha Munaasabada ka qeybgalay ayaa waxa ay ka kala socdeen Hay’ado Warbaahineed iyo qaar Madax banaan oo dalka isaga soo cararay islamarkaana ka qeybgalayay Xuska Maalinta Saxaafada Soomaaliya oo ku beegnayd Shalay oo ahayd 21-Janaayo.

Wariyayaasha Xaflada shalay ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa Xasan Kuuriya oo ahaa wariye muddo dheer ka soo shaqeeyay warbaahinta dalka,Qadra Maxamed Ciise oo u soo shaqeysay TV-gii Qaranka Soomaaliya ,Maxamed Cismaan New York oo ah Wariye muddo dher shaqeynayay ahna Macalin soo saaray Wariyayaal shaashadaha ka soo muuqday iyo Wariyayaal kale oo Caan ah.

DAAWO SAWIRADA:-

s.8

s.7

s.6

s.5

s.4

s.3

s.2

s.1

Abdirizak Yuusuf Kampala

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, KENYA, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: