Calendar

Maamulka Degmada Warta Nabadda oo ka hadlay Madaafiic xalay kusoo dhacey

Deeqo C/qaadir gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda ayaa faahfaahin ka bixisay Madaafiic xaley  qeybo kamid ah kusoo dhacey  Degmadaasi.

Marwo Deeqo cabdiqadir  ayaa sheegtay in  labo madfac ay geesteen khasaaro islamarkaana mid kamid ah madaafiicdaasi ay kusoo dhaceen guri ay ku sugnaayeen qoys islamarkaana halkaasi ay ku geeriyootay hooyada guriga halka sidoo kalena uu ku dhaawacmay wiil ee dhashey.

Qooska Madfaca ku dhacey ayaa Maamulka Degmada ay gurmad caafimaad ah ufidiyeen waxaana  loola cararay isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan xaley ku dhacey Qeybo kamid ah Degmada warta nabadda ayaa  ujeedkooda uu ahaa  in lagu weeraro xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: