Calendar

Maamulka Gobolka Banaadir oo si kulul ula hadlay gudoomiye-yaasha dagmooyinka

Iyadoo maalmihii dambe Amaanka magaalada Muqdisho uu ahaa mid aan la isku haleyn karin islamarkaana ay kasocdeen dilal qorsheysan iyo qaraxyo kala duwan ayaa waxa hadana arintaasi ka hadlay maamulka dawlada Hoose.

C/kaafi Hilowle Cusmaan oo ah Xoghayaha Dawlada Hoose ayaa sheegay inay magaalada Muqdisho amnigeeda oo sii xumaanayo ayna sabab utahay wada shaqeyn la’aan heysata shacabka iyo hogaanka degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhanka kale Waxa uu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ama xilka ay ka qaadi doonaan gudoomiyihii degmadiisa ay ka dhacaan falal amaan darro ah sida uu hadalka udhigay.

Hilowle waxa uu sidoo kale ku faanay in magaalada Muqdisho ee hada ay dhihi karaan waa mid amni ah islamarkaana bambaanooyin la tuuray iyo qaraxyo ay wax nabad gelyo daro ah sameyneynin.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now, Wararka Maanta.
« »

Comment: