Calendar

Maamulka gobolka Shabeellaha hoose oo codsaday in ciidamada militariga laga saaro magaalooyinka

kismaayo bartamahaGuddoomiye ku xigeenka dhinac arimaha Bulshada ee Gobolka Sh.Hoose Cumar Maxamuud Cili Carabey oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada Militariga ka dalbaday in Degaanada iyo Degmooyinka ay gacnta ku hayaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya laga saaro Ciidanka Militariga si loo xaqiijiyo amniga Degaannada.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sh. Hoose waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugida ay xaqiijiyaan amniga isla markaana Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka hortagaan weerarada ay soo qaadayaan kooxaha hubaysan ee ka tirsan Alshabaab.

Dhinaca kale qaar ka tirsan Waxgaradka Degmada Afgooye iyo sidoo kale Degaanada gacanta ay ku hayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in hogaanka Maamulka Gobolka Sh.Hoose iyo Saraakiisha Militariga Soomaaliya ay ka hortagaan dhibaatooyinka Gobolka ay ka wadaan Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga Axmed Cumar Madne iyo Guddomiye ku xigeenka  Dhaqaalaha C/ftaax Cabdulle kuwaasi oo isku baheysanayey iyagoo Maleeshiyo wato in Isbaarooyin ay dib u dhigaan Degamada Afgooye iyo Degaanno kale oo ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.

Gobolkaas ayaa bilihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo beeleedyo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan kuwa dawlada oo ay kala taageerayaan maleeshiyooyin beeleed.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: