Published On: Wed, Dec 12th, 2012

Maamulka Gobolka Sh/Dhexe oo baaq u jeediyay Hey’adaha Gar-gaarka

Share This
Tags

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ugu baaqay Hey’adaha sama falka inay gar gaar la soo gaaraan deegaanadii ay gaareen, si dadka ku dhibaateysan ay u helaan gar gaar bani’aadanimo.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa ugu baaqay Hey’adaha inay yimaadaan deegaanada ay dhowaan la wareegaan, si ay dadka dhibaateysan ay kaalmo u gaarsiiyaan.

“Waxaan baaq u jeedineynaa dhamaan hey’adaha sama falka inay gar gaar la soo gaaraan dadka dhibaateysan, ee abaaruhu saameeyeen, gobolka waxaa uu ka mid yahay meelaha ugu daran ee abaaraha ka dhacay, dadka ma helin gar gaarkii loo baahnaa”ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Gudoomiye Cabdi Jiinow ayaa sheegay in deegaanada Shabellaha Dhexe ee ku haray gacanta Shabaab ay ka saari doonaan, waxaana uu xusay inay damaanad qaadi doonaan ammaanka hey’adaha.

Hey’adaha sama falka ee ka howl geli jiray magaalooyinka Jowhar iyo Shabellaha Dhexe ayaa horay uga baxay, iyadoo ay ku jireen Hey’ado ka mamnuucday Shabaab inay ka howl galaan gobolkaas oo u badnaa Hey’adihii qaramada Midoobey.

 

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

- Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";