read more »">
Calendar

Maamulka IDMAN GENERAL HOSPITAL oo soo bandhigay dawo tayeysan

IDMANMaamulka Cisbitaalka IDMAN GENERAL HOSPITAL ayaa waxa ay maanta soo bandhigeyn Daawo tayo leh taa oo noqoneyso tii ugu horreysan ee Muqdisho la keeno.

Dr.Maxamed Qaasim waxa uu kamid yaahay Dhaqaaatiirta ka howl-gasho Cisbitaalka IDman waxa uu ka warbixiyay waxa uu qabto Isbitaalka.

Dhaqtarka ayaa sheegay in Cistibaalka uu yahay mid ay ugu talagaleyn in ay ku daaweeyaan Dadkooda Soomaaliyeed kuwaa oo inta badan aan helin daawadii ay u baahnaayeen.

Daawooyinta yaalo Cisbitaalka ayaa waxa uu dhaqtarka uu timaamay in ay yihiin Daawooyin Herbal ah oo inta badan ah kuwo dabiici ah waxa uuna sheegay in ay dawo u yihiin dhamaan Cudurada.

Dhanka kale Dr.Maxamed Qaasim ayaa sheegay in hayaan daawooyinka lagu dabiibo dadka uu hayo Cudurka ku dhaca Timaha oo loo yaqaaano Tima Go’go’a ama (Bidaarta) taa oo dad farabadan oo Muqdisho ku sugan ay la ildaranyihiin.

Sikastabada Daawooyinkaan uu keenay IDMAN GENERAL HOSPITAL ayaa waxaa ay noqonayaan daawooyinkii ugu horreyay ee dalka la keeno ayadoona dad badan fursad u tahay in ay helaa daawooyinkii ay u baahnaayeen.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured.
« »

Comment: