Calendar

Madax ka socota Jabuuti oo tagtey Baladweyne

Wafdi heer sare oo ka socday dowladaJabuuti ayaa tagay magalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa ka koobnaa Wasiirka gaashandhiga Jabuuti C/kariim Maxamed Kaamil, taliyaha hay’adda nabad sugida dalka Jabuuti Xasan Saciid, abaanduulaha ciidamada Sakariye Sheekh Ibraahin iyo mas’uuliyiin.

Waxa ay booqdeen ciidamada ka socda wadanka Jabuuti eek a tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee jooga Hiiraan iyagoona u kuul galayay xaaladdooda iyo howlaha ay hayaan.

Sidoo kale waxa ay la kulmeen maamulka gobolka Hiiraan oo ka wada hadleen xaaladda amaanka iyo xiriirka ay wada lehyihiin ciidamada Jabuuti iyo maamulka gobolka.

Wafdiga ayaa dib ugu laabtey wadanka Jabuuti oo ka yimadeen, waxanaa ay noqonaysaa markii ugu horeysay ee wafdi sidaan oo kale ay booqdaan gobolka Hiiraan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: