Calendar

Madaxda dowladda faderaalka oo muujiyay cabsi ay ka qabaan marxalad cusub oo beesha caalamka ku soo rogaan Soomaaliya (Warbixin)

Jawari_Hassan_Abdiweli - www.Bartamaha.com

Muqdisho (BARTAMAHA) Madaxweynaha,ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay ku shiray xarunta madaxtooyada (Villa Somalia) waxaana uu kulanka ka dhigaya kii ugu horreeyay oo ay isku soo hor fadhistaan tan iyo markii uu soo baxay khilafka ka dhaxeeya.

Kulanka madaxda ugu saraysa dalka oo an xog-badan laga hayn waxaa muuqatay inuu yahay mid qaboojinayay xiisada iyo khilafka ka dhaxeyaa,arrinta kale ee cusub ayaa ah dareenka ay qaban ee ku aadan beesha caalamka inay mar xalad cusub ku soo rogaan dalka.

Saraakil ka tirsan madaxtooyada ayaa u xaqiijiyay Raxanreeb in kulamadan looga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee xiisada siyaasadeed iyo sida loo soo afjari karo, waxaana kulankan madaxdu isla soo qaadeen war murtiyeedkii sida gaar gaarka uga soo baxay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, kaasoo walaac looga muujiyay khilaafka Madaxda dowladda iyo inuu saameyn ku yeesho dadaalada la doonayo in sanadka 2016 lagu gaaro doorasho si cadaalad ah u dhaco.

Inkastoo aan la ogeyn qodobbada rasmiga ah ee ay madaxda waddanku uga hadleen kulan-kooda, haddana wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in madaxda dalka ay ka si aad ah uga gil-gisheen fara-gelinta arrimaha Soomaaliya ee dibadda ka imaanaysa iyo walaaca kasoo yeeray beesha caalamka, taasoo sababi karta sida ay ku sheegeen kulankooda.

Sidoo kale,guddoomiyaha baarlamaanka ayaa kulanka ku soo bandhigay qorshe uu ku doonayo in looga baaqsado mooshin laga keeno ra’iisul wasaaraha, kaasoo ololihiisa maalmihii u dambeeyay ka socday Muqdisho, si taas meesha looga saarana dib loogu laabto isku shaandheynta, lana xaliyo arrimaha la isku haayo.

Cabdiweli Sheekh ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay inuu socdo dadaal lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka kala dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo ka dhashay isku-shaandeyntii koobnayd ee uu ku sameeyay xukuumaddiisa uuna madaxweynuhu kasoo horjeestay.

War qoraal ah oo saakay ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loogu baaqay beesha caalamka inay xaqdhowraan madax banaanida Soomaaliya,waxaana hadalkan uu yimid kaddib warar ka soo baxay Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub kuwaas oo sheegay inay ka walaacsan-yihiin khilafka madaxda dalka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ,Nicholas Kay ayaa war ka soo baxay waxaa uu kaga digay isagoo ka hadlay walaaciisa la xiriira in codkooda laga iibsanayo xildhibaannada si xukuumadda loo rido, kaasoo uu sheegay inuu dhabar-jab ku yahay horumarka la gaaray, wuxuuna ugu baaqay xildhibaannada inay ku shaqeeyaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha baarlamaanka,Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa isagu horay ugu diiday beesha caalamka inay fara-galin ku sameyso khilafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha,waxuuna sheegay inay si hoose ku xallin doona.

Waxaa muuqanaysa xilligan isbadal siyaasaded oo dalka ka soo cusboonaday,madaxda faderaalka ayaa muujinaya dhankoosa sida ay ukala aragti duwan-yihiin beesha caalamka.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: