Calendar

Madaxwaynaha Somaaliya oo xariga ka jaray Xarunta Nabadsugida Qaranka

Madaxweynaha Somaaliya xasan sheekh maxamud ayaa manta xariga ka jiray Xarunta nabadsugida ee Ciidamada Sirdoonka Somaaliyeed oo dhawaan dib loo dayactiray.

Munasabadaan xariga looga jaray xarunta Nabadsugida ayaa kusoo beegmatay Sanadguuradii sanadguuradii 41aad ee kasoo wareegatay markii la.aas aasay ciidamada sirdoonka Somaaliyeed.

Munaasabadan ayaa waxa ugu horeyn kahadlay taliyayaasha ciidamada qalabka sida  iyo qaar kamid ah gudoomiyayaasha gobolada dalka kuwaasoo oo dhamaantood si isku mid ah ugu Hambalyeeyay ciidanka Nabadsugida sanad guuradooda iyo shaqada muhiimka ah ee ay uhayaan Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa goobta ka hadlay Agaasimaha guud ee hay,adda Nabadsugida Qaranka Eng.Axmed Macalin Fiqi  ayaa jeediyay khudbad ka tarjumeysa waxqabadka ciidamada Nabadsugida iyo Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay isagoo mid mid u dul istaagay waxqabadkii Nabadsugida ee tan iyo markii la aas.aasay.

Sidoo kale agaasimaha guud ee hay,adda nabadsugida Qaranka ayaa u mahad celiyay ciidamada Qalabka sida sida Booliska’Mileteriga’iyo Asluubta sida ay ugu gacan siiyaan howlaha ay dalka Kawadaan isagoo dhinaca kalena mahad gaar ah ujeediyay dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska Oo uu tilmaamay in dhan weliba ay hay,adda ka caawiyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka Jeediyay xaflada ayaa ku amaanay ciidamada nabadsugida shaqada ay u hayaan Qaranka waxa Uuna xusay in ciidamada sirdoonka dalku ay yihiin kuwa ugu habdhaqanka wanaagsan ee Bulshada marka la’eego Ciidamada kale ee dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta shahaadooyin iyo abaalmarino kale Gudoonsiiyay saraakiil iyo ciidamo katirsan hay,adda Nabadsugida kuwaasoo muujiyay Howlkarnimo intii lagu guda jiray waajibaadkooda shaqo.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: