read more »">
Calendar

Madaxwayne xasan sheikh oo amaan darada muqdisho dusha ka saaray laamaha amaanka dowlada somalia

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa cadeeyey in habacsanaanta Ammaanka ee ka  jirta Magaalada Muqdisho ay Mas’uul ka yihiin Laamaha Amaanka dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha oo Xalay Casho Sharaf u sameeyay Ergadii ka qeybgashay Shirkii Amniga ee Muqdisho lagu soo gebagebeeyay ayaa sheegay in Laamaha Ammaanka Dalka aysan Xil iska saarin gudashada Waajiibaadkooda.

Xasan Sheikh ayaa markii ugu horeysay eedeeyey Hay’addaha Ammniga oo siduu sheegay ku guul dareysteen wax ka qabashada Nabadgalyadda Magaalada muqdisho.

Waxaana uu sheegay in Ammaanka Muqdisho marna uu fiican yahay, marna uu Xun yahay, oo uusan laheyn Xad loogu Talo galay oo Bulshadu ay ku Xisaabtanto.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Digiin u Diray Kooxaha Falalka Amaandaro ka wada Magaalada Muqdisho, waxuuna Xusay in Kooxaha Isbaarooyinka Dhigta, Oadayaasha ku Taageera, kuwa Wax Musuq maasuqa in ay Dhamaan yihiin Al-shabaab loolana dagaalamaya sida Al-Shabaab.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ee ah Dayaca Amaanka ayaa imaanaya Xili Labo Maalin oo isku xigta Magaalada Muqdisho lagu Dilay Labo Xildhibaan oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan

 

w/ qorey said abdi]  [email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: