Calendar

Madaxwayne Xasan Shiikh “Al Shabab kuma camal falaan Diinta Islaamka”

BARTAMAHA – Madaxwaynaha Dowladaa Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay amniga dalka xiliga lagu jiro bisha baraykaysan ee Ramadaan. Madaxwaynaha ayaa sheegay in Al shabab aysan Soomin ayna rabaan inay dadka  cibaadaysanaya khal khalgaliyaan.

Kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa ku celceliyey in ay weeraro culus ka geysan doonaan magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka tirsan, inta lagu jiro bisha baragkaysan ee Rammadaan.

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa ku sifeeyey dembi in ay tahay in wax la yeelo qof muslim ah oo aan waxba galabsan oo hadana sooman.

“Muslimiinta ayey weeraraan wakhtiga ay tukanayaan, sidoo kale waxay dadka laayaan wakhtiga la afurayo. Taas waxay kuu cadaynaysaa in aysan soomin oo tukan xataa.” Ayuu yiri Xasan sheikh.

Docda kale, madaxweynuhu wuxuu baaq u diray cullimada Soomaaliyeed isagoo ka hadlayey arrinta Al-shabaab, wuxuu ka dalbaday culimada in ay dadka u sheegaan diinta ay ku gabanayaan.

In kastoo madaxweynuhu uu sheegay in ay amniga adkayn doonaan oo ay iska fogayn doonaan khatarta Al-shabaab, hadana kooxda Al-shabaab ayaa aamisan in aysan dowladdu waxba ka qaban karin nabadgelyada isla markaasna ay fulin doonaan qorshahooda.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: