Calendar

Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan oo Baydhabo dib ugu noqday

sakiinBaydhabo(Bartamaha) Madaxweynaha maamulka K/Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan SH Aadan iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo fariisin u ah maamulka uu madaxweynaha ka yahay.
Madaxweyne Shariif Xasan SH Aadan oo mudo bil ah safar kaga maqnaa magaalada Baydhabo ayaa waxaa si diiran garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ugu soo dhaweeyey xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulkiisa iyo boqolaal dadweyne ah.
Shariif Xasan SH Aadan ayaa mudadii uu ka maqnaa magaalada Baydhabo waxa uu safaro ku tagay wadamada deris ee Kenya iyo Ethiopia halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay madaxda wadamaasi.
Wasiirka arimaha gudaha maamulka K/Galbeed Soomaaliya C/raxmaan Aadan Sate oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa sheegay in madaxweynuhu uu wadahadallo lasoo yeeshay madaxda wadamada uu safarka ku tagay.
Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si weyn u adkeeyey guud ahaan amniga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Baydhabo Bartamaha

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: