Calendar

Madaxweynaha oo booqday ciidamadii ku dhaawacmay Qaraxii Buulo-berde (sawirro)

Muqdisho_ Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay weheliyaan wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaliya ayaa booqasho ugu tegay ciidamadii ku dhaawacmay qaraxii habeen ka hor ka dhacay Buulo-berde.

Madaxweynaha iyo saraakisha ku wehelisay booqashada ayaa mid  mid ugalay qolalka ay ku jiraan dhaawacyadu, waxana madaxweynuhu uu kala shekaystay xaladooda.

Dhakhaatirta ayaa usheegay madaxweynaha inay ku dadaalayan sidii ay ula tacaali lahaayeen xaalada ciidamada.

Madaxweyne Xasan oo saxaafada lahadlay ayaa xusay in dowladu ay gacan kagaysanayso baxnaaninta ciidanka, isagoona intaasi raaciyay in kuwa dalka wax looga qaban waayo loo qaadi doono dibada.

“Sida ay dhagar qabayaashu damacsanaayeen iyo waxa aan aragnay aad bay u kala fogyihiin, geesinimo dheeri ah yay ka qaadeen ciidamadu, cadowga waxa uu damacsanaa iyo sida ay ciidanka uga hortageen waa wax aan caadi ahayn, inta dhaawacooda halista ku jirta waxaa lagu dadaalayaa sida lagu daaweyn karo oo dalka dibediisa loogu qaado, kuwaan iyo kuwa kale ee codowga la diriraya ku dhaawacma dowladdu waxa ay ku dadaalaysaa daaweyntooda iyo daryeelkooda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qaraxa ka dhacay degmada Buulo Berde ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay ciidamo katirsan dowlada iyo kuwa dalka Jabuuti.

_booqasho_xalane_1 _booqasho_xalane_3 _booqasho_xalane_4 _booqasho_xalane_5 _booqasho_xalane_6 _booqasho_xalane_7 _booqasho_xalane_8 _booqasho_xalane_9 _booqasho_xalane_10 _booqasho_xalane_12 _booqasho_xalane_13 _booqasho_xalane_14 _booqasho_xalane_15 _booqasho_xalane_17

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: