Calendar

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay oo booqasho maalin qaadatey ku tagay wadanka Jabuuti ayaa dib ugu soo laabtey magalada Muqdisho.

Wafdiga Xasan Sheekh oo iskugu jirey xubno dowladiisa ka tirsan iyo hogaamiyaasha jaamacadaha qaar, iyo aqoon yahano kale ayay uga qeyb galayeen sanad guuradii 40-aad ee markii Af Soomaaliga la xardhey.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde waxa kusoo dhaweyay gudoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari, ra’isal wasaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo xubno kale oo dowlada ka tirsan.

Xuska qorista Af Soomaaluya ee 40-ka sano kaso waregsatey ayaa waxa kale oo kazoo qeyb galey madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo iyadoona laga hadlayay sidii loo hormarin lahaa luqadda Soomaaliga.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: