Calendar

Madaxweynaha oo ku sii jeeda Turkey

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa u ambabaxabayo wadanka Turkey-ga halkaas uu casuumaad rasmi ah uu ka helay dhigiisa uu ku tagi doono.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waxa ku wehlinayo socdaalkiisa wasiiro ka tirsan xukuumadda, iyo taliyaha ciidamada xoogga Dalka Gen. Cabdi Qaadir Sheekh Cali Diini.

Safarka madaxweynaha uu ku tagayo Turkey-ga ayaa qaadan doono muddo afar maalin, isagoona wada hadalo rasmi ah la yeelanayo madaxda wadanka Turkey-ga oo ka wada hadli doonaan xiriirka labada dalka iyo hormarinta dowlada Turkey ay ka wado Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkey-ga Cabdullahi Gol oo xafiiskiisa uu soo saarey war qoraal ah ayaa lagu sheegay iney aad ugu farax san yihiin booqashada madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Turkey-ga ayna taasi kor u qaadayso xiriirka labada dalka.

Turkey-ga ayaa waxa uu xuub siibayanayaa inuu noqdo mid kamid ah wadmada ugu saameynta badan Soomaaliya tan iyo markii sanadkii hore ay usoo gurmadeen Soomaaliya xilli ay ka jirtey macluul baahsan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: