Madaxweynaha oo qaabilay Augustine Mahiga

Posted on Dec 19 2012 - 3:40pm by Chief Editor
Tweet
Pin It

(Mogadishu,Diseember ,19, 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Soomaaliya Ergayga gaarka ah ee Qaramada Middobay u Qaabilsan Soomaliya Ambassador Augustine Mahiga.

Kulankaas ayaa waxaa uu Madaxweynaha kaga hadlay dhowr arimood oo ay ka midyihiin,xal u helida dhalinyarada da’da yare ee iska soo dhiibayo dhinaca Al-Shabaab iyo doorka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.” Haa waan u baahanahay in ay beesha Caalamka na saacidaan, laakin waa marka anaga waxaan codsano nalaga saacido” Madaxweynaha ayaa saa ku wargeliyay Ergayga gaarka ah ee Qaramda Midoobay.

Ugu danbeyntii,Madaxwenyanaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay looga baahan yahay in hey’ ad walba ay la shaqeeyso Wasaarda ay isku shaqada yihiin.Taasina ay keeneyso in Wasardahaas ay horumar gaaraan.

-
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia