Calendar

Madaxweynaha Puntland oo ciidammo gaar ah kala soo degay Muqdisho (SAWIRRO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland mudane Cabdiwali Maxamed Cali ( Gaas) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey, Wefdigan ayaa  ka qaybgeli doona aaska qaran ee loo samaynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo berri oo jimce ah lagu duugi doono magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa gegida dayuuradaha kala soo dagay ciidankiisa ilaalada ee isaga gaarka u ah, waana caado aan horay looga aqoon Xamar.

Socdaalka uu Muqdisho ku tagay madaxweyne C/wali waxaa ku waheliyey madaxweynihii  hore ee Puntland  Cadde Muuse,sidoo kale waxaa qeyb waftigaan ballaaran ka ahaa xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan xubno ka mid ah gollaha wasiirrada iyo mas’uuliyin kale.

Waftigaan Muqdisho si ballaaran ayaa lugu soo dhaweeyey waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho uga hortagay raysal wasaaraha Soomaaliya  C/wali Sheekh Axmed Maxamed  iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr C/wali iyo madaxweynayaashi hore ee Puntland waxaay  caawa  ku hooyan doonaan magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale maalinta berito ah ay ka qeyb-gali doonaan aaska qaran ee loo sameyn doono raysal wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya.

Waftigaan waxaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada halkaaso la dajiyey,waana waftigii ugu horreeyey ee soo gaara Muqdisho kuwaaso aaska raysal wasaarihii hore ka qeyb-galaya,sidoo kale madaxweynaha cusub ee Puntland waxaa uu socdaalkan noqonaya midkii ugu horreeyey ee u Muqdisho ku tago tan iyo markii xilka madaxweynaha loo dortay.

This slideshow requires JavaScript.

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos, Top News.
« »

Comment: