Calendar

Madaxweynaha Puntland oo shir guddomiyay kullanka gollaha wasiirada (war saxaafaded + Sawirro)


War muurtiyeed :-                                                     

Kulankii todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada iyo Qodobadii  ka soo baxay.

 1-   Miisaaniyada

Waxaa maanta shirkii golaha wasiirada lagu ansaxiyey miisaaniyadii sanadka 2014 inta ka hadhay ee laga bilaabo bisho 4aad ee sanadkan ilaa bisha 12 aad.

2-   Dhinaca amniga:

Waxaa la isla soo qaaday in beesha caalamku ay si isku mida uga qayb qaadato taageerada ay ku bixiso ladagaalanka argagaxisada ee ka socda guud ahaan gobolada Soomaaliya, sidaas daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in dawlada Puntland hesho qaybteeda taageeradaas.

3-   Socdaalkii  Madaxweynaha

Wuxuuna Madaxweynaha puntland  Dr. Cabdiweli  Maxamed Cali gaas uga mahad celiyey madaxweynaha jabuuti  iyo dadka reer jabuuti sida walaaltinimada iyo kal-gacalku ku jirto ee ay dadka soomaaliyeed u garab taagan yihiin.

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu xusay in Dolwadda  jabuuti iyo Dowladda  puntland  is-ka kaashan doonaan xoojinta xidhiidhka labada dhinac  iyo iskaashiga ganacsiga iyo horumarinta mashaariicda.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland

Waaxda Warfaafinta,Waciyi-gelinta Iyo Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada

sssssss unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed (18) unnamed (19) unnamed (20) unnamed (21) unnamed (22) unnamed (23) unnamed (24) unnamed (25) unnamed (26) unnamed (27) unnamed (28) unnamed (29) unnamed (30) unnamed

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: