Calendar

Madaxweynaha Puntland ooo madaxtooyada kula kulmay masuliyin kasocda mid kamid shirkadaha utartmaya dhismaha Garoonka Bosaso

Garowe_ Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday shirkad laga leeyahay dalka Chaina shirkadaas oo lagu magcaabo China Civil Engineering Construction Corporation oo loo soo gaabiyo CCECC, shirkddasi oo hore Madaxweynuhu ugula soo kulmay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti kadib safarkii uu dhowaan dalkaasi ku tagay, waxaana Madaxweynuhu ku casumey Puntland si ay uga wada hadlaanw ax wada qabsi.

Wafdiga Shirkadda Shiinaha ah ee ka socday waxaa hogaaminyay RUI Chen iyo Allen Lee oo ah kaaliyaha madaxweynaha shirkaddaasi CCECC.

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta shirkadda CCECC waxaa ay ka wada hadleen sida shirkadda gacan uga geysan karto dib u dhiska jidadka Puntland, dekedaha ,garoomada diyaaradaha,biyo xireenada iyo wax soo saarka macaadinta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa soo dhoweeyey masuuliyiinta Shiinaha ah ee ka socday shirkadda CCECC tilmaamayna in Dowladda Puntland ay garab kusiinayso tallaabo kasta oo shacabka reer Puntland wax loogu qabanayo.

Halka dhinaca shirkadda CCECC ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay fuliyaan mashaariic wax tar u leh dalka iyo dadka reer Puntland, isla markaana ay danaynayaan inay maalgashi ku sameeyaan Puntland.

Kulanka ayaa qaatay mudo saacado ah ayaa wuxuu kusoo gaba gaboobay jawi wanaagsan iyo is afgarad, iyadoo kulanka ka dibna uu Madaxweyne Gaas qado sharaf u sameeyey masuuliyiintaasi ka socday Shirkadda CCECC, kuwaas oo booqan doona kaabayaasha dhaqaalaha.

28 58 64 73 84 110

Comments

comments

Category : Featured.
« »

Comment: