Calendar

Madaxweynaha Somaaliya oo la kulmay Jaaliyada Somaaliyeed ee Uganda

Madaxweynaha somaaliya xasan sheekh maxamuud ayaa kulan xaley la qaatay Jaaliyada Somaaliyeed oo ay ku dhaqan Magaalada kampale ee dalka ugandha.

Madaxweyne xasan sheekh maxamuud ayaa xaley kulan casho sharaf ah la qaatey Jaaliyada Somaaliyeed ee ku nool Dalka Ugandha islamarkaana uu kala hadlay xaaladaha Soomaaliya,iyo isbedelka nabadeed ay ka jiro Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne xasan ayaa Ardayda Somaaliyeed ay wax ka barato dalka Ugandha ugu baaqey marka ay dhameystaan waxbarashadooda in ay iska diiwaan galiyaan safaarada Soomaaliya ee Uganda si ay u noqdaan Hogaanka Mustaqbalka ee Dalka Somaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka codsaday ganacsatada Soomaaliyeed ee Uganda in ay Tageeraan dowladda islamarkaana ay bixiyaan dhaqaalaha ay dowladda ugu soo baahato marka ay la wareegto dhamaan dalka Soomaaliya.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: