Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo jooga Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi u hogaaminayo ayaa kasoo degtey garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta ee magalada Nairobi.

Garoonka diyaaradaha, waxa kusoo dhaweyay dhigiisa wadanka Kenya Mwai Kibaki, iyadoona sida ay qorshaha ay tahay u wada hadalo uga furmi doono aqalka madaxtooyadda ee Nairobi, sida uu sheegayo safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Ameerika.

Labada masuul, waxa ay ka wada hadli doonaan arimo badan oo ku jirto nabadgalyada gobolka, xaaladaha koofurta Soomaaliya iyo qaraxyada dhawaanahan ka dhacayay wadanka Kenya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa si weyn ugu kala aragtiyo duwanaa sida maamul loogu sameeynayo goboladda Jubboyinka oo ciidamada Kenya ay galeen muddo sanad ka hor ayna iminka gacanta kuhayaan ilaa Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonaya in dowladiisu ay ka masuul ka noqoto dib-u-heshiisinta iyo maamul u dhisida Jubooyinka, IGAD-na ay ku daba feesho dowlada.

Dowlada Itoobiya iyo Kenya ayaana horey sidoo kale iskugu khilaafsana arimaha Jubooyinka oo markaasna Ra’isal wasaaraha cusub ee Itoobiya uu dhawaan sheegay in madaxweynaha Soomaaliya ku dhiira galiyey in howsha Jubooyinka uu isaga hogaamiyo, garabna siin doono.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee Nairobi ayaa horey dhowr jeer u baaqay, waxana haatan la filaya in natiijiyon kazoo baxaan, kuwaas oo lawada dhoorayo.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: