Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmaya Ra’isal wasaraha Turkey-ga

Posted on Dec 6 2012 - 12:53pm by Editor
Tweet
Pin It

Madaxweynaha  Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa wali ku sugan wadanka Turkey-ga halkaas oo wada hadalo kula yeelanayan madaxda wadankaas iyo jaaliyadda Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa shalayto kula kulmey magalada Ankara dhigiisa Turkey-ga Abdullah Gul oo ka wada hadleen xiriirka labada wadan iyadoona labada wadan ay kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah.

Wafdiga Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan laa qaatey jaaliyaddaha Soomaalida ee Ankara jooga oo ka wada hdleen xaaladda wadanka iyo tan jaaliyadda ku sugan Turkey-ga.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa tagi doona magalada Istanbul haalkaas oo kulamo kula yeelan doonaan Ra’isal wasaraaha Turkey-ga Rajeb Ardugan iyo xukuumadiisa oo ka wada hadli doonaan hormarinta xiriirka labada wadan iyo iskaashiyo badan.

Turkey-ga ayaa muddo sanad ah gudaheeda waxa u noqonayaa wadanka si weyn saameyn ugu leh Soomaaliya xiriir wayna la sameystey iyadoona Soomaaliya laga arkayo howlo badan oo wax qabad ah u ka sameynayo taas oo dadweynaha Soomaalida ay aad ula dhacsan yihin.