Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta booqday magaalooyinka Ceelbuur iyo Beledweyne

 

ceelbuur xasan shiikh

Ceelbuur (Bartamaha) Madaxweynaa dowladda Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagay magaalooyinka Ceelbuur iyo Beledweyne oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Hiiraan.

Madaxweynaha oo ay waheliyan wafdi dowladda ka tirsan waxaa ay ku hormareen degmada Ceelbuur ,waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay saraakiisha ciidamada qalabka sida, maamulka degmada Ceelbuur, iyo qeybaha bulshada ee ku nool degamdaasi Ceelbuur oo ka mida degmooyinka dhawaan lagala wareegay Alshabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la qaatay qeybaha bulshada ee ku nool degmada Ceelbuur, waxaana uu meel fagaaraha ah kala hadlay shacabka ku nool degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Booqashada madaxweynaha ayaa la xiriirta u kuurgelida xaaladda noleed ee dadka ku nool degmadaasi iyo dhibaatooyinka heysta,wuxuuna u si qote dheer ugu kuur galay nolosha ay qabaan bulshada Ceelbuur.

Madaxweynaha ayaa saacado kaddib ka soo laabtay Ceelbuur waxuuna gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga madaxwaynaha ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne, iyadoo maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Beledweyne, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ay ka qeyb galeen soo dhaweyntiisa.

Amaanka guud ee magaalada Beledweyne ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la filayo inuu madaxweynaha kulamo la yeesho mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ku sugan gobolka.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la qaato odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada.

Madaxweynaha DF ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dhawaan booqday degmooyinka Cadale, Baraawe Marko iyo magaalooyin kale, kuwaasoo lagala wareegay xarakada Alshabaab.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: