Published On: Thu, Dec 13th, 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay sii ambaqaadi doonaan wada hadaladii Madaxda Somaliland iyo Dowladiisa

Share This
Tags

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay sii socon doonaan wada hadaladii u dhaxeeya dowladda iyo Maamulka Somaliland, isagoo xaqiijiyay in daruufo yar yar ay hakiyeen wada hadaladii socday.

Wareysi gaar ah oo uu Madaxweynuhu siiyay laanta afka Soomaaliya ee BBC-da ayuu sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo inay miro dhal noqdaan wada hadaladaas.

“Wada hadaladu waa sii socon doonaa, balse waxaa jiray daruufo yar oo hakiyay, waxaa la galay howlo badan sida xilliga KMG in laga baxo, Somaliland waxaa ka dhacayay doorashooyin, waxaa rajeyneynaa inaan wada hadadal ay noqdaan kuwo mira dhala”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Mar la weydiiyay inay wada hadal la galayaan Al-Shabaab ayuu sheegay in inta ay hubka heystaan dhalinyarada Soomaalida aysan wax wada hadalo u furneyn, isagoo xusay in ajaaniibta ka bar bar dagaalanta aanu iyaga wada hadal u furneyn, dalkana isaga baxaan.

“Al-Shabaab waa saddex qeybood, qeybta ajaaniibta ee Al-qaacida ka tirsan amaba Shabaab u dagaalamaya, wax wada hadal nagama dhaxeeyaan, waa inay dalka isaga baxaan, waxaa soo haray dhalinyada soomaalida ee wiilasha iyo gabdhaha, inay hubka dhigaan, waa soo dhoweyneynaa, balse inta ay hubka wataan oo aaminsan yihiin dalkaan caalamka oo dhan ka dhaxeeyaa ee raba inay wax dilaan ama qarxiyaan waa iska dhicineynaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mar la weydiiyay sida uu u arko dadka naqdiya siyaasadiisa in dowladdiisa ku koobay Hal xisbi oo kaliya ayuu iska fofeeyay, isagoo xusay inay jiraan xubno dowladda ka tirsan oo ahaa raggii ololaha la waday musharaxiintii la tartameysay.

“Dowladda ma ahan hal xisbi, waa mid u dhaxeysa soomaalida oo idil iyo beelaha soomaaliyed, kuwa hadaladan faafiyay waa kuwo qaswadayaal ah oo had iyo jeer madaxda wax ka sheega, dowladda ku jira raggii wax ka ololeynayay doorashada ee musharaxiinta codka u tiriyay, marka qof walba kartidiisa iyo aqoontiisa lagu qaatay, xisbi gaar ma jiro, aniga xisbi ka madax ahay waa jirtaa, laakiin nidaam xisbi dalkaan wax ku qabsado lama gaarin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la doortay 10-kii September, iyadoo lix cisho ay uga harsan tahay 100-maalmood oo uu xafiiska fadhiyay Madaxweynuhu tan iyo markii la doortay.

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

- Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";