Calendar

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo maanta Gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa wada kulamo uu la qaadanayo qeybaha bulshada ee gobolkaasi kudhaqan, iyadoo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin kala duwan iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha socdaalkiisa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan labada gole ee dowladda waxaana u jeeddada socdaalka ay la xiriirtaa sidii uu Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ay u ogaan lahaayeen xaaladaha dhabta ah ee ka jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen doorashooyin iska soo horjeeda.

Waa safarkii labaad ee uu madaxweyne Xasan ku tego Baydhabo tan iyo intii loo doortay madaxweynaha dalka Somaliya, waxaana safarkani uu imaanay xili magaladasi ay kajiraan xiisado ku aadan dhisida maamul ay yeeshaan gobalada koonfur galbeed ee Soomaliya.

 

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: