Calendar

Madaxweyne Gaas oo manta kusoo wajahan degmada Qardho

Qardho_ Maanta waxaa la filayaa inuu soo gaaro magaalada Qardho madaxweynaha dowlada Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweynaha ayaa goor dhoweed kasoo ambabaxay magaalada Garowe, waxaana kahor intuusan soo gaarin Qardho uu soo mari doonaa deegano hoostaga Gobalada Nugaal iyo Kar-kaar halkaasi oo laguso dhowayn doono.

Magaalada Qardho ayaa waxaa laga dareemaya qaban qaabada soo dhowayn ballaaran oo madaxweynaha iyo wafdigisa loo sameeyo, waxaana la hakiyay isku socodka gaadiidka, iyadoona la xiray goobaha ganacsi ee magalada.

Magaalada ayaa lagu dhex arkayaa dad farabadan oo sita calanka Puntland iyo sawirka madaxweynaha, gaar ahaana dumar ku labisan calanka Puntland.

Saafarkaan ayaa ah mid uu madaxweynuhu ku doonayo inuu ku booqdo gobalada Puntland, kadib muddo ku dhow  saddex bilood oo uu madaxweyne ahaa.

Safarka Gaas ayaa aad loo sugayay muddoyinkii dame, waxaana la filayaa inuu kadib booqashadisa Qardho ku xejiyo inuu yimaado magaalada Ganacsiga Puntland ee Bosaso.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: