Calendar

Madaxweyne Gaas oo qaabilay saraakiil ka socota QM. (sawirro)

Bartamaha Garowe_ Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Xiriiriyha Barnaamijka ladagalanka Dambiyada Ka  dhaca Badaha Geeska Afrika iyo Indian Ocean Mr Alan Cole iyo Ku Xigeenka Barnaamijka UNODC ee Soomaaliya Haweenayda lagu magacaabo Francesco Caonero .

Kullankaan ayaa waxaa Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku wehliyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Mudadii uu Socday Shirku ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid ahaayen Taageerida Dowladda,Hor usocodsiinta Xabsiga Garoowe,Dhismaha Xabsiga Gaalkacyo,Dhamaystirka iyo Dayactirka Xabsiga Weyn ee Boosaaso(Old Prison),Tababarida Ciidanka Puntland iyo Biyaha Xabsiyada Puntland.

Madaxwayne Gaas ayaa dhankiisa u sharaxay saraakiishaasi in Dowladda Puntland ay u baahantahay in laga gacansiiyo Howlahaasi oo idil si Puntland horumar uga samayso halka ay hada joogto.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .

IMG_2089 IMG_2093 IMG_2109 IMG_2116 IMG_2122

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: